Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Dagaalkii Gaalkacyo ku eedeeyey Puntland

November 22, 2015 - Written by Editor

Cusmaan-Ciise-Taar-dhuleedGaalkacyo:-Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa ku eedeeyay Puntland inay weerar ku soo qaadeen deegaanada Galmudug, isagoo xusay in dagaalka uu haatan istaagay, xaaladuna ay tahay mid degan. Ugu yaraan 10-ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday dagaalkii saaka ka bilowday Galkacyo, kaasoo soo gaaray abaarihii duhurnimadii, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ee soo weeraray uu ujeedkooda ahaa dhul balaarsi iyo inay dhabar jebiyaan howl galka Galmudug ka waday deegaanadeeda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Saakay Galkacyo waxaa 12-kii subaxnimo weerar ku soo qaaday deegaanada Galmudug Ciidamo ka tirsan Puntland oo abaabulan, ujeedkoodana ahaa dhul ballaarsi iyo inay dhabar jebiyaan howl galka aan ka wadno deegaanada ee aan kula dagaalameyno Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas inuu dagaalkaas soo abaabulay, isla markaana uu maalmahan ku howlanaa iska hor-keena shacabka deegaanada sida uu yiri. “Xaqiiqdii waxaa dagaalkan ka dambeeyay oo mas’uuliyadeeda leh C/wali Gaas oo muddooyinkan ku howlanaa iska horkeena shacabka deegaanada goboladan, hada dagaalka waa istaagay, xaaladana waa degan tahay”ayuu yiri mar kale Wasiirka Amniga Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dhankooda labo askari ka dhaawacmeen, halka dhanka ciidamada Puntland labo askari dhaawac ah ay gacanta ku hayaan, ayna ku booqdeen isbitaalka Galkacyo, kuna wareejinayaan Puntland sida uu yiri.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaya baaqyo nabadeed oo labada dhinac loo jeedinayo, iyadoo maamulada deriska horay u dhex maray isku dhacyo dhiig badan ku daatay, waxaana jiray heshiisyo beelaha labada dhinac horay u kala gaareen in nabad lagu wada noolaado.

Source:SBC

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online