Madaxweynaha Puntland oo Shir-guddoomiyey maalintii Labaad Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda.[Masawiro]

March 13, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii labaad shir gudoomiyey shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda cusub ee dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa shirka ku wehelinaaya Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay shirka, waxaana intiisa badan shirka maanta daadihinaaya Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Ajandaha shirka maanta looga hadlayo ayaa ah qodobada hoos ku qoran.

1. Nidaamka Wadashaqaynta dowladda

B. Habka xallinta khilaaf haddii uu yimaado.

T. Illaalinta sharafta xifdinta siraha dowladda.

2.Soo jeedin iyo Falanqayn nidaamka Wadashaqaynta dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah.

3. Guudmar qorshaha sanadlaha ah ee dowladda oo ku salaysan barnaamijka siyaasadeed ee Madaxweynaha Puntland iyo guddi hooseedyada hay’addaha dowliga ah.

4. Qorshaha qaybta saraynta sharciga ( Rule of law )

5. Qorshaha qaybta baahinta siyaasadda maamul daadejinta ( political sector )

6. Qorshaha qaybta horumarinta dhaqaalaha iyo waxsoosaarka ( Economic Dev sector ).

7. Qorshaha qaybta horumarinta arrimaha bulshada ( social sector key strategic priorities ).

8. Maamul wanaagga iyo tayaynta hay’addaha dawladda.

9. Su’aalo iyo jawaabo.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wasiirada ku booriyey in sadexda cisho ee uu soconaayo shirku halbeeg u yahay shaqada dowladdu ay qabandoonto sanadka 2019, sidaasi darteed ay tahay muhiim in lasoo saaro maxsuul bud-dhig u ah horumarinta adeegyada shacabka iyo kan horumarinta dalka.


-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
« Feb   Apr »
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online