Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo Garowe ku qabatay Shirka Wada Tashiga iyo dib u eegista Sharciga Dowladaha Hoose.

November 20, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadi yeynta Puntland oo magaalada Garowe ku qabatay shir ku saabsan Wada Tashiga iyo Dib u eegista Sharciga Dowladaha Hoose.

Shirka ayaa socon doono mudo laba cisha ah waxaana kasoo qeyb galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha heer Gobal iyo Heer Degmo, wasiiro iyo Agaasmiyaal kasocday wasaaraddaha Puntland, xildhibaano ka tirsan Puntland,madax kasocotay Bahwadaagta wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland qaarkamida shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Ugu horeyn shirka waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, isagoona marti sharafta ku soo dhaweeyey shirka sheegayna Shirka Wada Tashiga iyo Dib u eegista Sharciga Dowladaha Hoose loo baahan yahay in madasha lagu falanqeeyey loogana aragti dhiibto si hufan.

Ugu danbeyn waxaa shirka Daahfuray wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland cabdiweli Mire Xirsi, isagoona sheegay in wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ay ka go,antahay sidii wax looga badali lahaa sharciga Dowladaha Hoose ee law Number-7 dhawaan wasaaraddu ay horgeyn doonto Labada Golle ee Dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa wax ka badal ku sameysay Xeerka Dowladdaha Hoose ee law Number-7 waxaana dhawaan la horgeyn doonaa labada Golle ee Dowladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA.

Leave a comment

*

Archives
November 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online