Al-shabaab oo dagaal adag kula jira ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS iyo xaalada oo degan

September 5, 2012 - Written by

Kismaayo:-Ciidanka dowlada Kenya iyo kuwa DFS ayaa shalay ilaa xalay waxay dhaafi la,yihiin difaacada hore ee ciidamada ururka Al-shabaab ka dib markii ay ciidanka Al-shabaab dagaal culus kala hortageen ciidamada huwanta ee u hanqal taagaya in ay mar un qabsadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose.

Warar lagu kalsoon yahay ee naga soo gaaray Degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay awoodii oo dhan iskugu geeyeen duleedka Degmada Afmadow iyaga oo ka baqaya in ciidamada Al-Shabaab ay u dib maraan deegaanada Qooqaani Taabta ,iyo Dhoobley ka dib markii ay ciidamada Al-Shabaab qeybo ka mid ah ciidamadooda ay ugu talo galeen dhabar jabin .

Goobihii ay dagaalka ka dhaceen saaka ayaa ah mid degan waxaana la is dhaafsanayaa Madaafiicda goobta iyada oo laga baqayo in dagaal hor leh ay mar kale saaka ka qarxo duleedka Degmada Afmadow.

Cabdi Yare
Kismaayo

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Waxaan dhihi lahaa walaaladeen alshabaab culmada ha u celiyaan amarka kadibna hal dagaalamaan

    gaalada iyo isbahaysiga. Guushu runtii waxay ku jirtaa sidaas hady rabaan in ay guulaystaan waa in

    arinka loo celiyaa ulul amri si aan isga dhicino gaalada laakiin iyada oo lakala qaybsanyahay guul in ay

    timaado waa habeenkii xalay ahaa o tagay. wsc

  2. Asc wax wrx. Salaanta Islamabad kadib ilahay waxaa kabaryayaa hadii ay walaalahay xaq kudagaalamayaan, in Allah hiil kaamil ah siliyo oo waliba deg deg ah.

  3. asc masha,allah allaha uagargaaro ciidankiisa maxaa yeelay walahay waa la,isu bahaytay maanta islamka sillburbiriyo allow ugargaar diintaada

Leave a comment

*