Arday ka qalinjabisay Jaamacadda Beder International University ee magaalada Hargeysa

April 13, 2013 - Written by Editor

DSC00084Hargeysa:-Waxa Jaamacadda Beder ee Caalamiga ah manta oo taariikhdu tahay April 11, 2013 lagu qabtay xaflad qalinjabineed oo loo sameeyay arday dhamaysatay barnaamij afar bilood soconayay oo ah culuumta hanaan bangi yada Islaamiga ahi u shaqeeyaan.  Xafladdaas oo ka qabsoontay hoolka shirarka iyo xafladaha ee Jaamacadda waxa kasoo qaybgalay Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, mudane Khadar Axmed Diiriye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, mudane Maxamed Muuse (Galaydh), Maamulaha Baanka Dahabshiil, Laanta Hargeysa, mudane Sh. Cabdillaahi Cabdi Xirsi, aqoonyahan, arday oo dhamaantood rag iyo dumarba lahaa.

Ugu horreyn, waxa xafladda furay G/xigeenka Jaamacadda, mudane Eng. Warsame Maxamuud Saleebaan isagoo kelmado soo dhawayn ah iyo hordhac Jaamacadda iyo barnaamijyadeeda waxbarasho ku saabsan halkaa kasoo jeediyay.  G/xigeenku waxa uu sharaxaad ka bixiyay ujeeddada xafladda isagoo kadib aad ugu mahadnaqay kasoo qaybgalayaasha xafladda isla markaana faahfaahiyay Jaamacadda Beder, waxyaabaha ay la gaarka tahay iyo kulliyadaha ay ka koobantahay intaba.

Waxa sidoo kale goobta hadal kooban kasoo jeediyay mid ka mid ah ardaydii shahaadooyinka la guddoonsiinayay isagoo ku hadlaya magaca ardayda, waxaanu u mahadnaqay Jaamacadda iyo maamulkeedaba isagoo ku nuuxnuuxsaday aqoonta tayada leh isla markaana ugubka ku ah Dalka ee ay ka barteen Jaamacadda Beder.

Waxa isna goobta hadal kooban oo dhiirigalin u badan kasoo jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda isagoo maamulka Jaamacaddana uga mahadnaqay dedaalka ay wadaan iyo aqoonta ay Dalka kusoo kordhiyeen.    Waxa ku xigay oo isna hadallo mahadnaq ah soo jeediyay Maamulaha Laanta Hargeysa ee Dahabshiil Bank, mudane Cabdillaahi Cabdi Xirsi.  Waxa uu Cabdillaahi goobta ku ballanqaaday in ay bixindoonaan deeqo waxbarasho oo cilmigian la xidhiidha isagoo sheegay in ay hore u maalgeliyeen deeq waxbarasho oo Jaamacadda Beder bixisay isla markaana ay sidoo kale ka go’antahay in ay mudnaanta koowaad siindoonaan dadka cilmigan soo bartay marka ay shaqaalaysiintu taagantahay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Beder ee Caalamiga ah, Sh. Cabdiqani Xuseen Maxamed, ayaa hadal kooban ka jeediyay xafladda isagoo aad u sharxay ahmiyadda barashada culuumta dhaqaalaha iyo bangiyada Islaamiga ahi u leedahay Dalka iyo dadkaba.  Waxa uu sharxay habka Islaamku u dhiirrigaliyay dhaqaale abuurka iyo in cammiridda adduunka uu saldhig u yahay cilmigu.  Waxa uu u mahadnaqay maamulka Dahabshiil Bank ballanqaadka uu sameeyay awgii, waxaanu ku adkeeyay in ay ka dhabeeyaan.  Guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jaamacadda Beder ay tahay jaamacadda Dalka keentay oo hooyada u ah aqoonta bangiyada Islaamiga ah oo haatan ay meelo badani bixiyaan.  Waxa uu Guddoomiyuhu uu carrabka ku adkeeyay in ay soo dhawaynayaan hay’adaha waxbarasho ee iyaguna culuumtan bixinaya, balse ay mar walba muhiim tahay in la ilaaliyo tayadeeda.

Waxa isugan hadallo kooban oo bogaadin iyo dhiirigalin isugu jira kasoo jeediyay Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, isagoo sheegay in ay aqoonsanyihiin wada shaqayn fiicanna la leeyihiin Jaamacadda Beder maadaama Guddoomiyaha Jaamacadda laftiisu uu ka mid yahay Guddida Tacliinta Sare sidaa darteed uu Wasaaradda ka tirsanyahay.

Ugu danbayntii, waxa goobta shahaadooyin lagu guddoonsiiyay arday tiradoodu dhantahay 11 arday oo dhamaystay barnaamij afar bilood socday oo ahaa culuumta bangiyada Islaamiga ah.

Beder International University
Halgan.net,Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online