Ra’iisal Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo la kulmay Madaxweynaha dalka Burundi

April 13, 2013 - Written by Editor

photo_(40)Burundi:-Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza waxayna labada mas’uul ka wada hadleen arrimaha iskaashiga labada wadan, gaar ahaana amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah socdaalkii xoojinta xiriirra wadamada dariska ee ay ciidamada nabad illaalintu ka joogaan dalka Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Burundi kaalinta weyn ee ay askartoodu ka qaateen howlgalka AMISOM iyo hiilka walaalnimo ee ay u galeen ummada Soomaaliyeed.

“Dawladda Burundi waxay noo muujisay soo dhoweyn diiran iyo walaaltinimo aadbaana uga mahadineynaa xiriirka wanaagsan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo warbixin ka siiyay madaxweyne Pierre horumarada ay dawladda Soomaaliyeed ka sameyneyso dhinacyada ammaanka, dawlad wanaaga iyo dib u dhiska.

no images were found

“Waa laga adkaaday kooxihii argagixisada Shabaab ee dhibaatada ku hayay shacabka” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha oo tilmaamay in si deg deg ah looga sifeyn doono degaanada yaryar ee ay weli shacabka ku sii dhibaateeyaan.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro soo celinta amniga iyo xasilinta dalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyay booqashadiisa dalalka ay ciidamada nabad illaalinta ka joogaan Soomaaliya.

“Iskaashiga Soomaaliya iyo Burundi waxay horseedeysaa nabad ku soo dabaalida Soomaaliya iyo Afrikaba” ayuu yiri madaxweynaha oo tilmaamay in uu sii wadi doono taageerada dhinac kastaba leh ee uu la garab taagan yahay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa Ra’iisal Wasaaraha ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi Abshir Xasan Abshir Faarax iyo xubno la taliyeyaal.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Burundi, wuxuuna indha indheeyey qeybaha safaaraddu ka kooban tahay. isaga oo warbixin ka dhegeystay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi Abshir Xasan Abshir.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Bujumbura, Burundi

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online