Aay Xaliimo ma dhiman!!. W/Q: SH. Fu’aad Maxamuud X. Nuur

December 8, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Qormadii tan ka horreysay ee aan u baxshay Boosaaso yaa qarxiyey?!! Waxaan ku sheegay in markii aan ogaaday qaraxu goobta uu ka dhacay aan markii u horreysay xusuustay islaan mallaay ku shiilijirtay meeshaas kaddibna la iigu daray dadkii ku nafwaayey qarixii meesha ka dhacay, laakiin waxaan dib ka ogaadey in islaantii ay bedqabto oo aan beladii foosha xumaydi asiibin.

Aay Xaliimo waa hooyo soomaaliyeed, waa qof aad looga yaqaan aaggaas qaraxu ka dhacay, waxay ka soo hayaantay dhawr iyo sagaashankii gobollada koonfureed ee dagaalladu halakeeyeen, waxay ahayd nolol iyo nabaadiino raadis, waxay soo mushaaxdo oo hadba meel ku soo furto waxay soo gaartey Boosaaso, markii ay xuurto tiratay ayey bilowday in ay nolosha la legdanto, waxay isu quuriweyday in ay badda jiirto oo ama ku halliganto ama ku duuflaasho xerada qaxootiga ee Jaxiim!!.

Waxay bilowday in ay Mallaay (Kalluun) ay ku shiisho meel dariiq ah, Alle waa u barakeeyay waxay noqotay ganacsade la yaqaan oo kalluunkeeda loo soo hiloobo, aay Xaliimo waa qof farxaanad ah oo aan laga geyoon, waa hawl kar aan daalin, waa xalaal miirato xooggeeda cunta, sidaa darteed waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee xiskayga ku sol dhacda ayadoo Boosaaso ay joogto xaaskayga, carruur ilmo Fu’aad ah, walaalahay, ilmo adeertay oo tiro dhaaf ah, ehel, xidid iyo asxaab aan aad u jeclahay, haddaba waa yaab maxaa aay Xaliimo ay u noqotay qofkii u horreeyay ee aan xusuusto?, maxay u noqotay qofkii u horreeyay ee aan warkeeda raadiyi?, jawaabta idinka ayaan idiin daayey!!.

Aay Xaliimo waxaa shalay iiga soo warramay nin dhallinyaro ah oo asxaabtayda Facebook gga ka mid ah oo si lama filaan ah ay mug ugu soo tiri Aay Xaliimo asagoo u haysta in ay dhimatay, bariido kaddib ayuu ku yiri Eeddo Xaliimo ma nooshahay waxaan maqlay in aad qarixii ku dhimatay, waxay tiri Alxamdulillaah ilaaheey aa I badbaadshey, aniga oo Mallaaygeey iska suubsahooyo aas kharixii dhacay aas dhacayba gacan oo haadeysa jig ha igu soo dhahdo hilibka googo’ay ee agteyda kusoo daatey ilaah lee og, ani anoo meel la iga jiro ogeeyn aan meeshii ka roori, markii oo maydkii la khaadaayi aa gacan iyo lug iyo hilib lagu arki meeshii oo mallaayga ku suubihaayi, waxaa la dhahay Aay Xaliimo Allaha u naxariisto saan meey u googo’di marka igaarkeey waa kanaa waa noolahag ilaah aa mahad leh.

Runtii ma sawiri karo sida aan ugu farxay nolosha Aay Xaliimo, maxaa yeelay waa hooyo ilmeheeda u xoogsata, waa qof muslimad ah, waa qof dumar ah, waa qof da’ ah marka waan ku farxay in Alle ka badbaadshay beladii dhacday.

Maxayse kuugu taallaa waxaa dhintay hooyooyin kale oo qaar xaamil yihiin, ganacsato, arday iyo Askar intaba, wax lagu dilayna lama yaqaan, maxaa carruur agoontowdey, maxaa dumar asay qaaday, maxaa hooyo gablantay, maxaa ubad rajoobay!!.

Duhur iyo dharaar iyo habeyn oohinta an duugi
Daaraha cidla ah iyo guryaha igu dabayloobey
Dalanbaabigaygiyo lugaha diiq ka socodkeyga
Derbiyada magaalada agoon diiqsan baa tubane
Alla dumar hangaalan baa ku badan dawyadaan marine. Aw-Muuse Ismaaciil.

Runtii waxaad arkaysaa markuu aadanuhu ka leexdo dariiqa toosan in uu dugaagoobayo, damiirku in uu ka tegayo, waxaa lagu tilmaami karaa waa sida abeesada (Abeeso yey dhul u ekaan kugu dilin) waa oraah soomaaliyeed oo dhaxal gal ah, waa aadane, waa soomaali, waa muslin, wuuna isku kaa qarxinayaa!!, adigaa guriga ka kiraynaya, adaa baabuurka ka iibinaya, adaa u haysta in muslinka wax tarayo, adaa u haysta in uu gaalo duullaan ku yahay, isaguna suuqa bartankiisa ayuu gaarigii iyo naftiisii ku qarxiyey adigii dhimatay, muslinkii salfatay, qaraabadii iyo ehelkii marte soo marka ma aha fariiso oo ooy!!!.

Mar kale ayey abeeso u egyihiin oo abeesadu adigana ku dishay ayana waxba ma helin oo hilibkaagana cunimeyso baraare kalena kaa helimeyso, kuwaanuna waa ku dilayaan adduun iyo aakhiro wax ay faa’idaan daaye waa khasaareen, laakiin abeesadu waxay kaga fiicantahay adiga ku dishay laakiin iyadu is dilimeyso, kuwaanuse ayagiina is dile adna ku dile waa belo!!!.

Alloow muslinka ilaali, sharwadayaashana ka soo gaar, anagana Alloow adaa xifdi leh ee xifdigaaga na geli.

W/Q SH. Fu’aad Maxamuud X. Nuur

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online