Almiino may riwaayaddaha ay jilayaan noo kala duwaan W/Q Sh C/risaaq Sugule

December 3, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Finland:-Soomaaliya waxaa ay dhex dabaalanaysaa imtixaan adag oo aan la saadaalin karin meesha uu ku danbayn doono waxaan soo xusuustay bari uu Cawke BBC-da uu ka yiri ” Caawa iyo xaalkii  baraiga dhexe oo bariga dhexe maraya”, hadda waa xaalkii Soomaaliya oo Soomaaliya maraya. Haddaanay na celinayn nusuustii Allaah ee diidaysay in naxariista Eebbe laga quusto , mar horaan quusan lahayn balse kheyrka Allaah xagiisa wuu iman doonaa InshaAllaah  markii la gaaro xilligii uu isagu ugu tala galay iyo cida mutaysatay in ay hesho.

Soomaaliya maanta xaal adag ayay maraysaa, waxayna u muuqataa in sanad walbaa markii la isyiraahdo Allaylahe maantay istaagtay, ay halkeedii dib ugu laaban.. Mid waa arin aan isleeyahay horumar baa laga gaaray oo ah isqabqabsigaan socdaa, oo inta badan khilaafka taagan uusan ahayn mid ku salaysan qabyaalad, balse uu noqday mid ku salaysan xulufaysi iyo jeeb lacag ah kii wada.

Anigu lama yaabani nimankan siyaasiyiinta sheeganaya ( horay ayaan maqaal uga qoray aan u bixiyay (”ma xubnay soo dooran mise xoolo”), waxaanse la yaabanahay shacabkan sannad walba halka riwaayad oo isku midka ah loo jilayo, oo aan iyagu indhahaba kala qaadayn, walina aad moodo in sheekadii qabyaalada  ay ku rakiban tahay, oo aad arkaysaba markii nin xilka laga xayuubiyo loo kala baxayo mid u ciishaysan iyo mid ku faraxsan. Sow kama haboonayn in intay fahmaan shirqoolka loo dhigayo ee iskaba makshuufka noqday, ay ku tilaabsadaan sidii ay uga gudbi lahaayeen?.Ma shacabka Thailand oo mushrikiinta ah yay ka liitaan, mise kuwa Ukraine ee shuuciyiinta ah, oo iyagu diidan illaa hadda dulmiga iyo riwayadaha beenta ah ee siyaasiyiintu ku wadaan?

Riwaayadda sanad walba na loo jilo waa sidatan : shirweyne qran baa la qaban,kaasoo ay ka aktaro yihiin oday dhaqameedyo, Alshabaab baa dagaal lagu qaadi ( markaasaa la oran waan saarnay, haddee nasasho laa geline ogow) dabadeed xubnaa la soo dooran baarlamaan lagu sheego, dabadeed madaxweynay iska dhex dooran, ninkii la filayay mooyee mid aan hore loo arag baa si lama filaa ah daaqada daf uga soo dhihi, ra’iisul wasare ayuu soo dhisan (uu aad uga soo fakaray oo muddo dheer ku qaadatay sidii u heli lahaa nin karti  leh!!!), Ra’iisulwasaarahuna dowlad ayuu soo dhisi (liiskooda dhowr meelood looga yeeriyay= Madaxweynaha, itobiya, Kenya , Ugandha, USA, EU, ……) , Muddo sannad kadibna waxaa bilaaban khilaafkii madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ( oo soow ma ahayn kii uu sida wacan uga soo baaraandagay, maxaa dhacay?!!, waxaa taa barbar socda raggii Alshabab ee nastay oo la soo toosinayo oo qaraxyo iyo weerar bilaabaya, baarlaamkii baa lacag doolar ah oo dibadda ka timid ( yaa keenay..Jinni iyo cid aa la aqoon) lagu faraqayaa.. Ra’iisulwasaarihii ayaa daaqadda laga gamayaa ( markuu imaanaayo muu iska joogo, oo ku tusaalo qaato wixii saaxibkiis hore ku dhacay)..

Aw madaxweynoow isagoo faraxsan oo is leh allaylahe waad guulaysatay, ayaa waxaa loo keenayaa Ra’iisulwasaare ay jinnigii qarsoonaa soo magacaabeen oo isaga dhuunta u gala, khilaafkii baa awal madaxweyne iyo ra’iisulwasare ahaaye waxa virusku ku faafayaa xubnihii kale ee dowladda, weeraradii alshabaabna way sii xoogaysan, illaa ay meelihii awal laga saaray( xaqiiqduse ahayd in ay iyagu isaga baxeen) ku soo noqon, dowladdii waxay ku uruuraysaa laba kiilomitir, awood ma leh ito tii tabarta darnayd ayaa bilaaban, kadibna markii mudaddau u dhamato iyadoo sakaraat ah( waa haddiiba lagu simee) waxaa la oran haddana shirweyne qaran iyo nidaam cusub..

Haddee maxaad sugaysaa akhristoow dib u soo bilow haddana oo saas ku jir!!.. Markaa su’aasha isweydiinta u baahani waxay tahay:

Ar ma innagaa doqomo ah oo shacab ahaan wax fahmi la’ mise dadka waaba la qataaray?

Bal kuwan jinni ee riwaayadda noo alifaaya iyo kuwa jilayaba  intay naga xishoodaan  almiino may riwaayadaha noo kala bed-bedlaan oo sanadba wax cusub keenaan?

Kolley  waxaan arkaa in xaalku uu adag yahay, aynaba marayso maanta in ninkii odayga ahaa ee qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya uuba la shirayo kaaba qabiiladii iyo isimadii, balse waa howl shacabka u taal sidii uu uga bixi lahaa duligan iyo liidnimadan, waayo Allaah wuxuu Quraankisa noogu sheegay ” Allah ma bedelo qolo, illaa ay iyagu naftooda wax ka bedelaan”.

W/Q Sh C/risaaq Sugule
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online