Baaq ku socda dhamaan umada Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba

December 6, 2013 - Written by Editor

Majliska-AimadaMinneapolis:-Waxaa soo gaaray warqabadka Halgan.net shalay Baaq ku socda dhamaan umada Soomaaliyeed dal iyo dibadba  waxaan uu baaq la xiriira Maxkamadda Maraykanka kaga furan Shiikh Maxamed Idirs Axmed oo ka mid culimada Soomaaliyeed . Baaqaan ayaa waxaa na soo gaarsiiyey Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America.

Baaq ayaa waxaa uu u qornaa sida tan:-

BAAQ KU SOCDA DHAMAAN BULSHADA SOOMAALIYEED,MAXKAMADDA MARAYKANKA KAGA FURAN SH. MAXAMED IDRIS AXMED

Mahad oo Dhan Allaah Ayey u Sugnaatay Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato..Intaa ka dib: Walaalayaal, Meel Kastoo aad Joogtaan Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America, Saldhigiisuna yahay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnessota, wuxuu idinku war gelinayaa in mudda ahba iney socotey dacwad Dawladda Maraykanku ku soo oogtey Daacigeenna Macruufka ah ee bulshada Soomaaliyeed wada taqaan, Sh. Maxamed Idris Axmed, Taasoo Nuxurkeedu yahay : (In Maxkamaddu Dawladda u ogolaato iney kala noqoto Sheekha waraaqaha aqoonsiga Maraykanka (Citizenship), una ogolaato wixii kaloo talaaba ah iney ka qaaddo).

Dacwaddu wexey bilaabatay Oct 2012, wexeyna hadda maraysaa heerarkeedi ugu cuslaa. Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America, oo Sheekhu raggii asaasay ka mid yahay, wuxuu Sheekha u Qabtay 2 Qareen oo Dacwadda Difaaca, ilaa haddana dacwadda waxaa ku baxday lacag gaareysa $ 50,000.. waxaana la odorosayaa dacwaddu iney dheeraato, kharashka ku baxayana lagu qiyaasay $ 250,000.. Hadaba Maadaama kharashku badan yahay, dadka Sheekha Jecelna adduunka ku baahsan yihiin, wuxuu Goluhu furay Sanduuq la yiraahdo: ( Sanduuqa Difaaca Sh. Maxamed Idris Axmed) wuxuuna u xilsaaray maamulka iyo ururinta xamladda guddi imaamya ah oo kala ah: 1) Sh. Axmed Nur Gudd. ku xig. Golaha Shurada/Imamka Masjid Abubakr,S 2) Sh. Abdullahi Abulfadli Gudd. Golaha Fulinta Majliska 3) Sh. Cabdirisaq Xashi Imaamka Masjid Abubakar, Minneopolis 4) Sh. Adam Sh. Cabdille Imaamka Masjid Ibnu Taymiyah, Columbus, OH 5) Sh. Xuseen Guuleed Imaamka Masjid Taqwa, Columbus, OH

Waxaa Goluhu ugu baaqayaha Dhammaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee Jecel Sheekha iyo Dacwada Islaamka uu u adeego, Dhamaan Masaajidda Soomaalidu u quntay adduunka ee Sheekhu Qayb weyn ka qaatay, iney ka qayb qaataan Sanduuqa Difaaca Sh. Maxamed Idiris, wexeyna kusoo Xawili Karaan:

1) Dhammaan Xawaaladaha Soomaaliyeed, ee Minneapolis

ayadoo lagu soo qorayo:

1) Golaha Imaamyada Soomaaliyeed Waqooyiga America Tel, Xaf: 612-874-0665

2) Sh. Abdirahman Sh. Cumar Gudd Shuurada Golaha

3) Sh. Cabdullaahi Abulfadli Gudd Fulinta Golaha

2) Bangiyada oo Toos loogu soo shubi Karo, Sanduuqa Difaaca Sheekha

North American Council of Somali Imams Legal Fund

Wells Fargo Bank, Minneapolis

A/C. No. 9348152092

swift Code: WFBIUS6S

3) ONLINE qofkii usoo Tabarucaya Shakhsi ama Masjid, Credit & Debit Cards Wuxuu booqanaya Bogga Difaaca Sh. Idris: shidrislf.com (http://shidrislf.com). wuxuu tegayaa meesha ay ku qorantahay: Donate, kadib, lacagta ayuu ku qorayaa, ka dibna kaarka.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Sheekha Cimrigiisa Barakeeyo, Dacwadiisa iyo Camalkiisana Mubaarak ka dhigo meel kastoo uu joogo, isaga iyo dhamaan Culimadeenna Soomaaliyeed, Wixii shar la doonana Shartooda ku celiyo, Ducada oo ah Hubkeenna ugu weynna yaan laga daalin..

Wassalamu Calaykum Wr Wb,

Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America

Cabdullaahi Abdulfadli

Guddoomiyaha Fulinta

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online