Baaq Nabdeed oo ka yimid Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan ee oo ku saabsan Doorashada Puntland
December 29, 2013 - Written by EditorShabakadda Wararka Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray baaq nabadeed oo uu soo saaray Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan ee oo ku saabsan Doorashada Puntland, Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan oo ka mid ah Issimada Puntland ayaa waxaa baaqiisa uu taabanayaa dhinacyo badan waxaan baaqa uu u qornaa sida tan:-
Baaq Nabdeed oo ka yimid Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan ee oo ku saabsan Doorashada Puntland:-
BAAQ NABADEED 29.12.2013
Ku: Dhamman Isimada Puntland
Ku: Madaxweynaha iyo Maamulka Puntland
Ku: Dhamman ciidamada qalabkasida ee Puntland
Ku: Dhamman Murashaxiinta u Tartamaya Madaxtinimada Puntland
Ku: Dhamman xildhibaanada quuddaraynaya xilkaGolaha sharcidajinta Puntland
Ku: Guddiga la isku raacsanyahay ee xulka xildhibaanka iyo khilaafaadka
Ku: Dhamman Dadweynaha deeggamada Puntland
Og: Dalalka Dariska ah
Og: Beesha Caalamka
Anigoo ku hadlaya magaca Isimabeeleedka Fiqi Xirsi iyo magacayga Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan waxaan dhamman bulshada ReerPuntland , cid kasto danaynaysa aayaha dawlad Goboleedka iyo masiirka dadweynaha deegaanka Puntland, ugu baaqaynaa in nabad iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo mudada xulidda xildhibaanada iyo doorashada Madaxweynaha ee ku qorshaysan 8-da Jenaayo 2014.
Waxaan ku baaqaynaa dareen Midnimo, Xilkasnimo, Aayo ka talin iyo masiir wanaagsan ee Puntland.Waxaan si qalbi wanaag , kalsami iyo Puntlandnimo ku dheehantahay u soo jeedinayna qodobada soo socda:
1. In Isimadu ku midoobaan aaya ka talinta iyo masiirka bulshada ay madaxdhaqameedka u yihiin iyo Dawlad Goboleedka Puntland oo ay aasaaskeeda dhidibada u taageen sanadkii 1998-dii, yihiinna marjaca kaliya ee u taagan xallinta dhibaatada iyo khilaaf kasta oo soo foodsaara Puntland.
2. In ciidamada Puntland suggan nabadda iyo xasiloonida deegganka iyagoo aan ku shaqaynayn qoonsi iyo qoysnimo midna, dhawrayana midnimad Puntland.
3. In Murashaxiintu muujiyaan culayska xilka , tixna galiyaan masiirka bulshada Puntland.
4. In guddiga xulka xildhibaanada iyo khilaafaadku si caddalad iyo garsoornimo ah ku xulaan xildhibaanada golaha sharcidajinta Puntland iyago cuskanaya tilmaamaha iyo astaamaha laga doonayo xildhibaanka ee ku qeexan Dastuurka u dagsan Puntland, ansixinta xildhibaanadana kala tashadaan Isimada, aqoonyahanada, waxgaradka iyo Culuma’udiinka.
5. In dalalka jaarka la ah Puntland ee danaynaya aayahan iyo nabadda Puntland dhawraan darisnimowanaaga .
6. In beesha Caalamka iyo war Baahintu kor joogayaal ka noqdaan geedi socodka doorashada Madaxweynaha Puntland si doorasho cadaalad iyo xalaal ahi u dhacdo.
7. In Dadweynaha Puntland meel uga soo wada jeestaan masiirka dalkooda
Fiqi Bashiir Cabdule Cusmaan
Bacaadweyn 29/12/2013