Ciidamada badda ee Puntland oo qabtay dhalinyaro burcad ah.[Masawiro]

December 10, 2013 - Written by Editor

2Boosaaso:-Ciidamada badda ee Puntland ayaa waxaa howl galo ay xalay ka sameeyeen deegaanka Mareero oo 15 Km u jira magaalada Boosaaso waxaana ay ku soo qabteen koox burcadbadeed ah iyo agabkii ay wateen. Ciidamada badda ee Puntland ayaa xog ay helleen ku howl galay xalay waxaan ay qabteen ilaa 3 dhalinyaro ah oo burcadbadeed ah iyo qalabkii ay wateen ka dib markii ay si kadis ah u hareereeyeen kuna amreen in ay isku dhiibaan ciidanka Badda Puntland.

Dhalinyaradaan Burcadbadeedka ah ayaa waxaa lagu qabtay  ilaa 3 qori oo kuwa fudud ah ,qalabka GPS, Jaranjarooyin, iyo weliba Teleefanada gacanta. Taliyaha ciidamada badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo saxaafada kula hadlay xarunta ciidanka badda Puntland ee ku taal duleedka magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in howlgal ay ciidanku sameeyeen ay ku guulaysteen qabashada dhalin yaradaan burcadbadeedka ah lana soo taagi doono Maxkamada si deg deg ah.

no images were found

Taliyaha ciidamada badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax  ayaa sidoo kale sheegay in degaanka Mareero ay ahayd markii hore goob ay kooxaha burcada ah ay ka tahriibiyaan dadka doonaya in ay u tahriibaan dalka Yeman balse ay ciidanku ka hortageen arrinkaas. Taliyaha ciidanka badda Puntlland ayaa ugu danbayntii waxaa uu fariin u diray dhalinyarad faraha kula jirta falalka burcadnimada ah isagoo u sheegay in ay arrimahaas ka waan toobaan haddii kalena talaabo adag laga qaadi doona.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online