Ciidamada DFS oo maanta la wareegay deegaano ka tirsan degmada Berdaale

December 29, 2013 - Written by Editor

ciidanBakool:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ay la wareegeen deegaano ka tirsan Degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidamada DFS ayaa waxaa ka mid ah deegaanada ay la wareegeen deeganada Moore Waraabe, Walaq iyo Is-koris oo dhamaantood ka tirsan Degmada Berdaale

Duqa degmada Berdaale Maxamed Qaracase  ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada DFS ay howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan degmada Berdaale ayna ku guuleysteen in ay Al-Shabaab ka saaraan deegaano dhowr ah
Deegaanada uu sheegay in ay qabsadeen Duqa degmada Berdaale Maxamed Qaracase ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey Ururka Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka hadashay guulaha uu sheegtay Duqa degmada Berdaale Maxamed Qaracase oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online