Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobalada Bay iyo Bakool.
December 30, 2013 - Written by EditorBaydhabo:-Ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo qulqulayaan gobalada Bay iyo Bakool iyaga oo ku andacoonaya in ay taageerayaan ciidamada DFS ee dagaalka kula jira kooxada Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan gobalada Baay iyo Bakool ayaa xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya oo lugeynaya ay soo galeen deegaano ka tirsan gobalada bay iyo Bakool waxaana ay cabsi soo wajahaday shacabka ku dhaqan deegaanadaas waxayna ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay u caga jugleeyaan xoolo dhaqato ku dhaqan Bay iyo Bakool.
Ciidamada Itoobiya ayaa haatan ku sugan duleedka deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool waxaana ciidamada Itoobiya la socda ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo dhowr mar ku fadhilmay in ay la wareegan deegaano ku dhow Rabdhuurre oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.
Dhanka kale ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan degmada Ceelbarde waxaana ay ku wajahan yihiin deegaano ay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab waxaana ay ciidamada Al-Shabaab bilaabeen in ay difaacyo ka qotaan deegaano ku xeeran degmada Xudur ee xarunta gobolka Bay
Ilaa iyo markii dowlada Itoobiya ay shaaca ka qaaday in ay ku biireyso ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay soo galisay ciidamo tiro badan gobalada Bay iyo Bakool iyada oo fulineysa ajanda u gaar ah dowlada Itoobiya.
A/Cawale
Halgan.net