Ciidamo ka wada tirsan DFS oo ku dagaalamay Degmada Dayniile

December 11, 2013 - Written by Editor

ciidan_DFMuqdisho:-Ciidamo ka tirsan DFS ayaa ku dagaalamay xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile, kadib markii ay isku qabsadeen lacag isbaaro ah oo ay ka qaadi jireen gaadiidka mara wadooyinka Degmada iyo guryaha cusub ee laga dhiso Degmada Dayniile.

Iska horimaadka dhexmaray ciidamada ka wada tirsan DFS ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari waxaana ku dhaawacmay askar kale waxaana wili socda hubka ay isku ridayaan .Dadweynaha ku dhaqan Degmada Dayniile ayaa aad uga cabanaya dhaca ay ku hayaan ciidamada ka tirsan DFS ee qaab maleeshiyaad wax u boobaya waxaana u taal Degmada Dayniile ilaa laba Isbaaro oo ay lacag baad ah ka qaataan.

Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Dayniile ayaa dhowr mar cabashooyin u gudbiyey madaxda iyo Saraakiisha DFS balse ilaa haatan waxba lagama qaban .Dagaalka maanta ayaa waxaa sababay ka dib markii ciidamo ka tirsan Melatariga DFS ay damceen in ay lacag baad ah ka qaadaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online