Ciidamo Kenyan ah oo lagu laayey inta u dhaxeysa Garisa iyo Liboi.

December 10, 2013 - Written by Editor

kenyaGarisa:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garisa ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo Kenyan ah oo ka tagay Garisa kuna sii jeeday degmada  Liboi.

Weerarka ayaa waxaa uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana weerarka ku dhintay 8 askari oo ka tirsan dalka Kenya waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay qof rayid ah.

Warar hordhac ah oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in 2askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ay Al-Shabaab nolasha ku qafaasheen .

Sarkaal ka tirsan ciidanka ka ciidanka Kenya oo la yiraahdo Samuel Arachi ayaa weerarka iyo dhimashada 8 askari u xaqiijiyey wakaalada wararka ee AFP.

Dhanka kale Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarka galabta lagu laayey ciidamo ka tirsan booliska dalka Kenya.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online