Cisbitaalka Boosaaso oo weli lagu dabiibayo dhaawacyadii qaraxii Khamiistii (Dhageysi+Masawiro)
December 7, 2013 - Written by EditorBoosaso :-Cisbitalka guud ee magaalada Boosaaso waxaa weli lagu dabiibayaa qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarax khamiistii lala eegtay ciidamada badda Puntland oo ka adeeganayey suuqa wayn ee Boosaaso, qaraxaas ayaa dad badan ku dhaawacmeen, halka kuwana ay geeriyoodeen. Maxamed Cali Kobra oo ku jira maamulka cisbitalka Boosaaso, wuxuu u sheegay weriye ka tirsan daljir oo maanta cisbitalka booqday in dadkii dhaawacmay intooda badan loo qaaday goobo caafimaad oo kale, halka qaarkoodna loo qaaday dibedda.“10 ruux ayaa halkan jooga, waa la dabiibay oo heegan ayaa loogu jiraa si ay u soo kabtaan.” Ayuu yiri Maxamed Kobra oo intaas ku daray in aysan jirin dad ku dhintay cisbitalka marka la eego dhaawacyadii la keenay.
Dhakhaatiirta ayaa ku mashquulsan adeegyada la gaarsiinayo dadka dhaawaca ah oo ay ku jiraan dumar iyo caruur, sidda uu sheegay maamulka cisbitalka guud ee magaalada Boosaaso oo la hadlay idaacada Daljir “Qaruxu wuxuu dhacay xili aniga iyo wiil aan dhalay aan u soconay cisbitalka Al-xayaat, wiilku wuu xanuunsanaa, laakiin hadda halkan ayaan wada jiifnaa waxaa dhaawac naga soo gaaray Qaraxa.” Ayey tiri shacni khaliif faarax oo dhaawacyada ka mid ah.
no images were found
9 ruux ayaa ku dhintay qaraxii Boosaaso, halka 37 ruux uu dhaawac ka soo gaaray, dowladda Puntland iyo beesha caalamka ayaa weerarka si kulul u can baareyey, in kastoo shalay madaxweynaha Puntland Dr. Faroole uu shaaciyey in la helay xog la xiriirta qofkii is qarxiyey iyo koox kale oo qaraxa xiriir la lahayd.
Hoos ka Dhagayso warbixinta wariye ka tirsan Radio Daljir ka diyaariyey dhaawacyada yaal Cisbitaalka Boosaaso
Source Diiwaanka wararka
Radio Daljir,Boosaaso