Culimada Sool oo deeq gaarsiiyey dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Taleex.[Video]

December 18, 2013 - Written by Editor

t6Taleex:-Waxaa culimada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Sool ee xarunta Laascaanood ay deeq lacageed gaar siiyeen dadkii rayidka ahaa ee dhibaatadu ka soo gaartay iska horimaadkii hubaysanaa ee ka dhacay magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

Deeqdaan lacageed ayaa waxaa la gudoonsiiyey Macalimiinta  wax ka dhiga  Degmada Taleex, oo uu saamayn ku yeeshay Dagaaladkii ka dhacay Taleex waxaan deeqda la gudoonsiiyey ilaa 19 Macalin, Dhaawacyo gaaraya 11 , Agoon gaaraysa ilaa 18 Qoys  guud ahaan dadka deeqda la gaarsiiyey ayaa waxaa ay gaaraysaa ilaa 48 qof.

Deeqdaan lacageed ayaa waxaa culimada soo gaarsiiyey Hablaha Deegaanada Sool ,Sanaag iyo Cayn ee ku nool Galbeedka London  iyo Gudiga Jaaliyadda Switzerland oo kala ah C/salaan Barkhadle Diiriye, Yaasiin Ay jeex, Carab Diiriye , Fadumo Cabdi Ducaale iyo ururka Sahan ee dalka Ingriiska ,UK.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa dadka  gaarsiiyey Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan iyo culimo kale oo ka yimid magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, Culimo’udiinka ayaa ka digay wax kasta oo abuuri kara colaad dadka ehelka ah iyo amaan daro.

no images were found

Deeqda lacageed ee ay soo direen lacagta guud  ayaa waxaa  ay kala ahayd sidda tan:-

1.Hablaha Jaaliyaad Galbeedka London $6000, Dollar

2. Gudiga  Jaaliyadda Switzerland oo ay wakiil ka yihiin C\salaan Barkhadle Diiriye, Yaasiin Ay jeex, Carab Diiriye, Faadumo Cabdi Ducaale $ 3550,Dollar.

3.Ururka Sahan Uk Oo soodiray $ 1,500 ,Dollar

Hoos Culimada Sool oo deeq gaarsiiyey dadkii ku dhaawacmay dagaalkii degmada Taleex

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online