Culimadu waa in ay ka difaacaan diinta Islaamka kuwa beenaalayaasha ah Sheekh Shibli.[Dhagayso]

December 6, 2013 - Written by Editor

vlcsnap-2013-12-06-03h18m06s67Nairobi:-Waxana maanta khudbadii Jimce ee Masjidka Al-hidaaya ka jeediyey Sh.Maxamuud Maxamed Shibli isagoo Shiikhu uu ka hadlay waajibka culimada Islaamka ka saaran kuwa ku soo duulay diinta Islaamka kuna been abuurta si umada Islaamka aan diinta looga marin habaabin.Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli ayaa xusay in ay jiri jirtay waligeed dad shaati culimo gashan jiray iyagoo mari jiray tabo kale duwan oo samayn jira Axaadiis ay u tiiriyaan Nabiga Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee arrinkaas oo culimada  Islaamku ay umada u cadeeyeen.

Sheekh Shibli ayaa yiri ” Waxaa inaga soo badanayo waayahani dad sheeganayo culimo haddana diinta ku been abuuranayo waxana waajib ku ah inay culimada inay ka difacana ayna yac ka dhahaan wax yaabaha qalaadka wuxuuna sheekha ka digay wixii qabsaday dalkii Jazaa’ir iyo wadamada sidda Ciraaq arrimahaas oo u soo talaabay dalka Soomaaliya.”

Sh.Maxamuud Maxamed Shibli  ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed in aysan khaladaadka ay galayaan kooxaha magac diinta huwan aan loo tiirin diinta Islaamka gaar ahaan Jihaadka  oo  maanta la suurad xumeeyey oo dadkii muslinka ahaa lagu qarxinayo ama lagu dilayo gudaha Masaajidda taas oo sababtay in qof marka uu ugu baqdin badan yahay ay noqotay marka uu u socdo masjidka iyo marka uu ka imaanayo.

Hoos ka Dhagayso khudbadii  Jimce ee Masjidka Al-hidaaya  Sh.Maxamuud Maxamed Shibli

ama Halkaan ka Dhagayso khudbadii Jimce ee Masjidka Al-hidaaya Sh.Maxamuud Maxamed Shibli

Yaasiin Cabdi Axmed
Nairobi,Kenya

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online