Culimo’udiinka Puntland oo bayaan ka soo saaray Nadwadii ka socotay Garoowe[Akhri]

December 27, 2013 - Written by Editor

culimoGaroowe:-Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku  nool Puntland  ayaa waxaa ay ka soo saareen Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka socotay masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garoowe mudo 4 cisho ah ,baaq ku socda Issimada Puntland, musharaxiinta , xubnaha Baarlamaanka imaan doona, gudiga khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ee Puntland iyagoo ugu baaqay  in laga wada shaqeeyo wada jirka  umada lagana fogaado wax kasta oo khilaafsan diinta Islaamka ama ka horimaanaya.

Culimo’udinka Soomaaliyaad ee ku nool Puntland  ayaa ugu baaqay bulshada ku nool Puntland in ay dhamaantood si wada jir ah uga shaqeeyaan amniga iyo nabadgelyada dalka lagana fogaado wax walba oo abuuri kara colaad iyo burbur.Halkaan riix bayaankii ay culimadu ka soo saareen Nadwadii ka socotay masjidka Xaaji Cali ee Garoowe

Bayaanka culimadu ay soo saareen ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa 21 qodob oo lagula hadlayo qaybaha kale duwan ee bulshadu ay ka kooban tahay waxaan uu u qornaa sida tan:-

1. Ujeeddooyinka nadwadan waxaa ugu horreeya gudashada xilka weyn ee Ilaahay culimada ka saaray bayaaninta xaqa iyo u naseexeynta iyo u tilmaamidda bulshada sida ay ku gaari karaan guul adduun iyo badbaado aakhiro.

2. Isu soo dhoweynta guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada reer Puntland iyo xasuusinta iyo ku boorrinta waajibaadka iyo xuquuqda islaamnimo, walaalnimo iyo xigto ee ka dhexeysa.

3. In loogu nasteexeeyo cid walba oo rabta in ay ummadda xil u qabato loona tilmaamo mas’uuliyadda iyo amaanada culus ee ay holliyeen.

4. In bulshada lagu baraarujiyo in danaha gaar ahaaneed ay ku hirgalayaan helitaanka danta guud ee bulshadu leedahay.

Intaa ka dib waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa arrimahan soo socda:-

Bulshada Soomaaliyeed

1) Waxaan bulshadeenna Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inaan Ilaahay ka xishoonno, ilaalinno soohdimaha ay diintu inoo dhigtay iyo inaan ogaanno inuu Ilaahay diinta galiyay sharafteenna adduun iyo badbaadadeenna aakhiro, wanaag aan iyada lagu helinna aan meel kale laga dooneyn.

2) Waxaan ugu baaqeynaa ummadda Soomaaliyeed inay ka towbad keento dunuubtii iyo dulmigii dhaxalsiiyay heerka hooseeya ee aynu maanta taagan nahay gude iyo dibad labadaba, ogaadaanna in Ilaahay oo lagu caasiyo ay keento ciqaabtiisa, in loo noqdana lagu helo naxariistiisa iyo nolol wanaagsan.

3) Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay midoobaan, iskaashadaan iskuna tiirsanaadaan ayna ogaadaan in waxa midnimada ay ku helayaan uu ka weyn yahay waxa ay ku mudanayaan tafaraaruqa iyo kala daadsanaanta.

4) Waxaan bulshada xasuusineynaa sidii ay isugu gurmadeen xilligii duufaantu ku dhufatay Puntland iy fatahaaddii wabiga ee shabeellada dhexe ay astaan cad u tahay in wax wada qabsi oo kaliya lagu gaari karo waxa naga maqan.
Musharraxiinta jagada madaxweynenimada Puntland.

5) Waxaan ugu baaqeynaa ragga ku loolamaya hoggaanka dowladda Puntland in ay Ilaahay ka cabsadaan, una tartamaan si xilkasnimo, hufnaan iyo mas’uuliyad leh, bulshadana tusaan hindise siyaasadeed oo u qalma hanka ummadda, hab-dhaqan wanaagsan oo ay ku kasbadaan kalsoonida iyo inay bulshada u muujinaya inay u qalmaan hoggaanka dalka.

6) Waxaan musharraxiinta xasuusineynaa in dalku yahay koodii, dadkuna yahay kuwii ay doonayeen inay xukumaan, sidaa darteed looga baahan yahay inay bulshada u muujiyaan inay u maqan yihiin ee aysan ku maqneyn, u daneynayaan ee aysan ku daneysaneyn, u damqanayaan ee aysan dulmineyn.

7) Waxaan murashaxiinta ogeysiineynaa in qiimaha doorashadu aysan joogin dagaal, laaluush iyo wax is dabamarin ee ay joogto kalsooni, sidaa darteed looga baahan yahay in ay ku mashquulaan sidii ay ku kasban lahaayeen kalsoonida bulshada iyo xubnaha ay u wakiilatay inay codkeeda matalaan.

8) Waxaan ugu baaqeynaa murashaxiinta iyo taageerayaashooda inay ka dheeraadaan kicinta, iskudirka iyo kalageynta bulshada iyagoo u adeegsanaya ujeeddooyin siyaasadeed oo shakhsi ah.

9) Waxaan uga digeynaa murashaxiinta inay isu adeegsadaan dicaayado iyo wax iska sheeg been abuur ah iyagoo ka dhiganaya xeelad ay ku sumcad dilaan murashaxa la tartamaya.

10) Waxaan murashaxiinta ugu baaqeynaa inay ilaaliyaan wixii lagu heshiiyay ee go’aanno ah iyo xeerarka nidaam ee dalka u yaal diintana aan ka hor imaaneyn, siiyayna xuquuqda ay isku soo sharraxeen, kana soo baxaan waajibaadka saaran, xuquuqdoodana ku doontaan si sharaf, hufnaan iyo dhowrsooni leh.

11) Waxaan murashaxiinta uga digeynaa wax walba oo khalkhal ku keeni kara amniga iyo xasilloonida dalka, tixgeliyaan taladana uga dambeeyaan ciddii kusoo baxda nidaamka ay ku heshiiyeen.

12) Waxaan murashaxiinta ugu baaqeynaa inay ka digtoonaadaan inay tartankooda ku galaan ballanqaadyo been ah ama aan suurtagal aheyn.

13) Waxaan murashaxiinta xasuusineynaa in waxa loo tartamayo ay tahay hal jago, taasoo qaadda hal nin oo kaliya sidaa darteed kii la dooran waayo waa uuin natiijada soo baxda ogolaado, si lamid sidii uu jeclaan lahaa in loo ogolaado haddii uu isaga ahaan lahaa murashaxa la doortay.

Isimmada
14) Isimmadu waxay u ahaayeen mandiqadan, yihiinna marjic lagu kalsoon yahay qeybna ka ah xasilloonideeda, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan tilmaamahaas wanaagsan ee lagu bartay, xalkana ay qeyb ka noqdaan.

15) Waxaan isimmada ugu baaqeynaa inay xoojiyaan isku duubnidooda, kana dheeraadaan wax kasta oo dhaawacaya midnimadooda, muujinayana is heysi iyo loollan dhexdooda ah, gaar ahaan soo xulidda xubnaha baarlamaanka iyo inay iska ilaaliyaan inay la kala saftaan murashaxiinta madaxweynenimada ee ay marjica u yihiin, arrimahaas oo meel kadhac ku ah sumcaddooda iyo kalsoonidii soo jireenka aheyd ee lagu qabay.

Xubnaha cusub ee golaha baarlmaanka

16) Waxaan ugu baaqeynaa xubnaha baarlamaanka in ay ilaaliyaan amaanadii ay Ilaahay hortiis u qaadeen ummadda, kuna dhaarteen inay daacad ka noqonayaan, ayna xasuusnaadaan hadalkii Ilaahay ee ahaa:
إن الذین یشترون بعھدلله وأیمانھم ثمنا قلیلا أولئك لا خلاق لھم في الآخرة ولا یكلمھم لله ولا ینظر إلیھم یوم
القیامة ولا یزكیھم ولھم عذاب ألیم. آل عمران 77
17) Waxaan ugu baaqeynaa inay maslaxadda guud ka hormariyaan maslaxadaha gaar ahaaneed, ayna ka digtoonaadaan inay qaaddo eex ama hunguri, aakhiradoodana dhaafsadaan adduunyada qof kale.

18) Waxaan mudanayaasha baarlamaanka ugu baqeynaa inay soo xulaan sida Ilaahay ku og yahay qofka ay ku jirto danta, diinta, dadka iyo dalka.

Guddiga xallinta khilaafaadka

19) Guddiga xallinta khilaafaadka waxaan xasuusineynaa inay Ilaahay hortiis ku qaadeen amaano iyo xil ummadeed, sidaa darteed ay waajib ku tahay inay sida ugu wanaagsan u gutaan, annagoo xasuusineyna in loo xushay inay wax xalliyaan ee aan laga fileyn inay mas’uuliyadda la saaray wax ku halleeyaan.

Murashaxa la doorto

20) Waxaan ugu baaqeynaa murashaxa kusoo baxa doorashada xilka madaxweynenimadada in uu dalka cadaalad ku dhaqo ilaaliyana diinta, iyo masaalixda dadka iyo dalka, kana shaqeeyo isu soo dhoweynta, walaaleynta iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

21) Waxaan ugu baaqeynaa in uu ilaaliyo ballanta amaanada iyo xilka Alle hortii kaga aaddan iyo kan bulshada labadaba. Ilaahay ayaa mahad leh ay galladdiisu wanaagyadu ka ebyoomaan.

no images were found

Culimada bayaanka saxiixday
1) Sh. Daahir Aw-Cabdi Aw-Yuusuf
2) Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen
3) Sh. C/Naasir X. Axmed Maxamed
4) Sh. Maxamuud X. Yuusuf Maxamed
5) Sh. Maxamed M. Axmed Xuseen
6) Sh. Axmed Yuusuf Daad
7) Sh. Axmed C/Samad Cabdille
8) Sh. C/Qani Qorane Maxamed
9) Sh. Maxamed Maxamuud Ciise
10) Sh. C/Salaam Maxamuud Cartan
11) Sh. Mukhtaar Axmed Faarax
12) Sh. Yaasiin C/Laahi Cali
13) Sh. Maxamed Cali Axmed
14) Sh. Dalmar Guureeye Kaarshe
15) Sh. Cabdi Xirsi Cali

Mussassada Al-Minhaaj
Garoowe, Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online