Dad badan oo xalay laga raafay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

December 18, 2013 - Written by Editor

kenyaNairobi:-Ciidamada ammaanka dalka Kenya, ayaa  xalay mar kale howlgallo dad badan lagu qabqabtay ka sameynayey xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Ciidamada oo wata gaadiid, nooca waaweyn iyo kuwa yaryar isugu jira, ayaa xalay mar kale soo galay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyagoo waddooyinkana dadka ka raafayey.

Ciidanka, ayaa dadka ay qabtaan weydiinayey Sharci, iyadoona dadka qaarkood ay lacago ka qaadanayaan, waa kuwa ay sharciga ka waayaane, halka dadka sharciga wata ay sii deynayeen.

Ilaa iyo hadda tira koob rasmi ah lagama hayo dadka ilaa xalay la qabqabtay, waxaana ilaa maanta aad looga hadal hayey xaafadda Islii, howlgallada ciidanka ka sameynayaan xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Marka howlgallada noocaan oo kale ah ay jiraan, ayaa waxaa dhacda in dad badan la xaab qaado, iyadoona ay caado tahay in dadka lacago looga qaato u soo celinta xorriyaddooda

Halgan.net/somalireal

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online