Dagaalo maalintii Labaad ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

December 17, 2013 - Written by Editor

dagaalMarka:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Sh/ Hoose ayaa sheegaya in maanta mar kale uu dagaal culus ka qarxay Deegaan lagu Magacaabo Fadhi Muuse oo u dhaxeeya Muuri iyo No-50 kaas oo u dhexeeya laba beelood oo walaal ah waxaana dagaalka maanta uu sababay khasaaro iyo burbur xoogan ka dib markii ay labada beelood isku adeegsadeen hubka Tiknikada .

Hubka culus oo ay isku adeegsanayaan labada maleeshiyo ayaa waxaa laga maqlayaa deegaanada ku dhow No-50 waxaana ay helayaan laba beelood gurmad kala duwan mana jiraan ilaa haatan cid kala dhexgashay laba beelood ee walaalaha ah.

Dagaalka ka socda goblka Sh/ Hoose ayaa waxaa gadaal ka riixaya saraakiil ka tirsan DFS oo ka soo jeeda laba beelood ee ku dagaalamaya maanlintii labaad gobalka Sh/ Hoose .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka waxaana uu sheegay in dowladiisa aysan aqbali doonin in dalka dib logu celiyo dagaal sokeeye .Sidoo kale Culuma,udiinka iyo Odayaasha labada beelood ayaa soo jeediyey in la joojiyo dagaalka aan micnaha lahayn ee u dhaxeeya laba beelood ee Muslinka ah .

Ciidamada AMISOM ayaa isha ka daawanaya dagaalka ka socda Sh/ Hoose iyaga oo ku faraxsan in Muslimiinta ay is laayaan waxaana fogeyn in ay xitaa hub isku sii dhiibaan.waxaana ceeb ugu filan kuwa haatan ku hardamaya deegaano ka tirsan gobalka Sh/ Hoose in ay yihiin dad Muslimiin ah oo walaalo ah oo maalin walba ku dagaalamaan dhul iyaga oo dhan ka badan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online