Dhaqaatiir oo lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho
December 18, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-War goor dhow na soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dhaqaatiir Ajnabi iyo Soomaali lagu laayey deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, kadib markii rag labisan dareyska ciidanka DFS ay wadada u galeen rasaasna ay ooda uga qaadeen gaarigii ay wateen dhaqaatiirta .
Warar hordhac ah oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in saddex ka mid ah dhaqaatiirta ay ahaayeen Suuriyaan, halka midka kalena uu ahaa Soomaali, waxaana ay dhamaan dhaqaatiirtan ka howlgali jireen Isbitaalka Fiqi ee ku yaal deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay darawalkii gaariga u waday dhaqaatiirta waxaana la geeyey meydka dhamaan dadkii ku dhinay weerarka Isbitaalka Fiqi .
Ilaa haatan ma jiraan cid ka hadashay dilka Dhaqaatiirta ama cid sheegatay weerarka lagu dilay dhaqaatiirta.
A/Cawale
Halgan.net