Dooda mooshinka ka dhanka ah Xukuumada DFS oo ka socota Golaha Shacabka
December 1, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa waxaa ay guda galeen in ay ka doodaan mooshinka ka dhan ah xukuumada Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Xildhibaanada DFS ee ka doodaya mooshinka laga keenay Xukuumada Raisulwasaare Saacid ayaa waxaa dhexmarat dood kulul iyada oo mar marka qaar buuq laga dareemayey gudaha golaha baarlamaanka DFS
Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhow la filayaa in uu shir jaraa’id ku qabto xafiiskiisa waxaana Villa Soomaaliya gaaray wariyaal ka howlgala magaalada Muqdisho
Raisulwasaaraha DFS ayaa waxaa la filayaa in uu ka hadlo mooshinka laga keenay xukuumadiisa iyo diidmada loo diiday in ka hadlo golaha baarlamaanka DFS
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Raisulwasaare Saacid lagu cadaadinayo in uu xilka iska casilo waxaana xalay iyo saaka ay kulmeen madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud balse lama yaqaan wax ka soo baxay kulankooda.
A/Cawale
Halgan.net