Golaha Wasiirada ee DFS oo aqbalay go’aanka uu gaaray Baarlamaanka

December 5, 2013 - Written by Editor

IMG_8247Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa yeeshay ayaa si buuxda u aqbalay markii labaad go’aankii golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee uu gaaray taariikhdu markay aheyd 2-da bisha Dec. 2013.Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa Arrimaha Amniga iyo ka doodista go’aanka uu kalsoonida kala laabtay Baarlamaanka Soomaaliya Xukuumada Federaalka.

Gabagabada kulanka, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”  isaga oo sheegay in golaha Wasiiradu ay ka hadleen go’aankii golaha Baarlamaanku qaatay, isla markaana ay si buuxda u aqbaleen natiijada. Waxa uuna yiri.

“Maanta waxaanu yeelanay kulfadhigii golaha, tan iyo markii uu soo baxay go’aanka baarlamaanka 2-dii bishan Disembar, waxaanu ka hadalnay sidii caadadu aheyd umuuro badan oo howlaha Qaranka quseeya, gaar ahaana go’aankii Baarlamaanka, markii aanu dhinacyo badan ka eegnay, waxaa anigoo aad uga mahadnaqaya golaha Xukuumadu ay mar labaad ila garteen liana ayideen inaanu taageerno, isla markaana aqbalno go’aanka Baarlamaanka, waana sidii aan hadda ka hor 3-dii bisha warqad aan u gudbiyay Gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynahaba u gudbiyay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay markii hore uu ku yimid isaga iyo golaha Xukuumadu si sharci ah isla markaana haatan maray wadada ugu haboon ee sharciga ah.

“Inaanu u hogaansano go’aanka Baarlamaanka sharaf iyo taariikhbey noo tahay runtii” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u mahadnaqay Xubnaha golihiisa Wasiirada iyo dhamaamba hay’addaha dawliga ah sidii hufneyd ee ay ula soo shaqeeyeen intii uu xafiiska hayay mudada halka sano aheyd.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudadii ay shaqeyneysay, wuxuuna ka codsaday inay taageeraan xukuumada kale ee badali doonto, si loo helo dawladnimo iyo horumar.

Garaadcadde salaad
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online