Golaha wasiirada ee maamulka KMG Jubba oo lagu dhawaaqay.[Akhriso]
December 7, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta waxaa si rasmi lagu magcaabay qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka ee maamulka Jubba.
Ku dhawaaqista Golaha wasiirada ee maamulka Jubba ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo iyadoo xarunta madaxtooyada ay ku sugnaayeen odayaasha dhaqanka, iyo qaar ka mid ah xubnaha loo magacaabay in ay ka mid noqdaan Golaha wasiirada ee maamulka Jubba.
Afhayeenka maamulka KMG ee Jubba, C/naasir Seeraar Maax ayaa waxaa uu warbaahinta u akhriyay digreetada ka soo baxday Xafiiska madaxtooyada ee maamulka Jubba laguna magacaabay golaha wasiirrada Jubba.
1 Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubba Suldaan C/qaadir luga-dheere.
2.Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Cabdi Xafiid
3. Wasiirka beeraha Xoolaha iyo kaluumaysiga Maxamed Aadan Jaamac
4. Wasiirka Arrimaha Bulshada Maxamed Ibraahin Maxamuud (Macalin Maxamed)
5. Wasiirka caafimaadka iyo fayo dhowrka Xasan Daahir Yaroow
6. Wasiirka qorsheynta iyo Xidhidhka caalamiga Maxamed Nuur Iftiin (Shambala)
7. Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maxamed Warsame Faarax (Darwiish)
8.Wasiirka maalIyada Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar
9. Wasiirka Macdanta biyaha iyo Bii’ada Cabdi Nuur Cali Aadan.
Hoos ka akhriso magacyada Golaha wasiirada ee maamulka KMG Jubba oo lagudhawaaqay
no images were found
Cabdi Yare
Kismaayo