Guddiga gurmadka culimada ee Puntland oo 15 kun oo neef u qaybin doona ilaa 672 qoys (Dhageyso)

December 10, 2013 - Written by Editor

shmaxanmuudGaroowe:-Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland ayaa waxaa ay weli ku howlan yihiin siddii ay gurmad ugu fidin lahaayeen dadkii ku cayroobay roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay degaanada Puntland xili Jaaliyaadka ku nool dibada dalka Soomaaliya ay gurmad iyo deeqo lacageed ku soo hagaajiyeen gudiga gurmadka culimada iyo Mu’ssadda Alminhaaj.

Guddiga gurmadka culimada ee Puntland ayaa Khamiista soo socota xoolo geyn u sameeyn doona qoysas gaaraya ilaa 672 qoys oo ah dadkii ku xoolo beelay roobabkii watay duufaanka ee ku dhuftay degaano ka tirsan gobollka Nugaal oo ah meesha ugu daran ee  khasaarah ugu balaaran uu gaaray dadka reer guuraaga ah.

Gudoomiyaha Guddiga gurmadka culimada ee Puntland Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in loo gudbay wejigii labaad ee gurmadka oo ah mid xoolo loogu iibinayo dadka xoolo beelay waxaan uu Sheekhu sheegay in ilaa 15 kun oo neef oo Ari ah ilaa hadda la iibiyey.

Gudoomiyaha Guddiga gurmadka culimada ee Puntland  Fadiilat Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in lacagaha deeqaha  ah
ee ka yimid Jaaliyaadka dibad iyo gudaha Soomaaliyaba lagu iibiyey xoolaha  si loogu xoolo gooyo dadka reer guuraaga ahaa ee cayrtoobay si ay uga hayaamin deegaanadooda.

Gudoomiyaha Guddiga gurmadka culimada ee Puntland  Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa uga mahad celiyey walaalaha Soomaaliyeed ee gargaarka u soo fidiyey walaalahood kana damqaday dhibka gaaray isagoo alle uga baryey qof kasta oo ka qayb qaatay gurmadka in Alle ka aqbalo sadaqadiisa.

Hoos Ka Dhageyso Fadilat Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf Xafidahulaah oo shirjaraa,id ku qabtay Garoowe

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online