Gudiga Gurmadka Culumada oo lacago kala duwan ka gudoomay shacabka Soomaaliyeed (Dhageyso)

December 10, 2013 - Written by Editor

shmaxanmuudGaroowe:-Gudiga gurmadka Culumada ee duufaanadii ku dhuftay Puntland ayaa maanta waxay shirjaraa,id ku qabteen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxayna faahfaahin ka bixiyeen lacago kala duwan oo ay soo direen shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo lacag ugu deeqay walaalahood ku ceyrtoobay duufaanadii 03A.

Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Sheekh Xasan Ashkir ayaa soo gaarsiiyey gudiga gurmadka culumada Puntland lacag dhan $55,000 oo ay soo uruuriyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi oo ay horkacayeen culumada kala ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal ,Sheekh Maxamuud Shible alle ha dhowro dhamaantood .

Waxaa uruurinta lacagta iyo gaarsiinta culumada u istaagtay sidoo kale Musasada Al-Karaama oo uu wakiil ka yahay Sheekh Maxamed Sheekh Xasan Ashkir .Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa u mahad celiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi gurmadka ay soo gaarsiiyeen culumada waxaana uu alle uga baryey in wax ka khayr badan ugu badalo.

Shirka Jaraa,id ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Sheekh Maxamed Sheekh Xasan Ashkir oo wakiil ka ah musasada Al-Karaama waxaana uu sheegay in ay joogi doonaan Garoowe lana shaqeyndoonaan culumada waxaana uu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed in ay wadaan gurmadka ay u fidinayaan walaalahood .

Ugu danbeyntii ayaa waxaa goobta ka akhriyey liiska dhamaan dadkii soo dhiibay gurmadka lacageed Sh Axmed Yuusuf Daad xafidahulaah.

بسم الله الرحمن الرحيم

1-Jaaliyadda Somaliyeed ee Kenya $55,000.waxaana keenay Sh.Maxamed Sh. Xasan Ashkir.
2- Jaaliyadda Somaliyed ee Belgium –Brussels $7,000 .
3- C/laahi Muuse Habane J/Denmark $ 4,880
4-Shacabka iyo Culimada Reer L/caadood $ 3,306.
5-Haaruun Mursal Maxamad USA –Minneapolis $ 2,220.
6 –Suldan Siciid Maxamad Garaase $1,800
7- C/xakim Xasan Cabdulle Sh.Baryare $ 900.
8- Mubaarak Maxamuud Cawad USA $300.
9- Zeynab Xasan Ciiro $ 500 .
10 – USA –Minisota 50,000. waxaana soo ururiyey Dad ay ka mid yihiin :
– Luul Xaaji Lare – Muxubo Muuse Ciise – Husserin Sh.Cali.
waxaana ka mid ah Lacagtaas $5,755 oo laga soo ururiyey Moolka 24 ayna soo ururiyeen Gabdho ay ka mid yihiin : Sahro Faarax dheere iyo Maryan Xasan Taraab .
11- Finland $ 27, 897 . waxaana soo kala diray Jaaliyada Somalyeed ee Helsinki iyo Sh.Aadan Sh.Yuusuf iyo Caaqil Mahamud Cabdul.
12- Daa’uud Axmad Guushaa Brisbene AUstr. $5,130.
13- Cabdi Cusmaan Maxamuud $1,400 .
14- Ayaan Xuseen Nuur $300 .
15- Safiyo Cabdi Maxamad Dubai $ 300.
16- C/laahi Maxamad Nuur 1400.
17- Khadiijo Suudi Maxamad $837.
18- Xaliimo Cali Xasan London $850 .
19 –Cali Faarax Xirsi Switzerland $1650
20 Cismaan Khalid Yusuf Shirwac Boqor J/Somalyed ee Ustaraaliya $22,100.
21- Maxamuud Shire Ibrahim USA $1077 .
22- Cumar C/laahi iyo C/Qani Maxamad Mozambic $3445

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id ee  Culumada iyo wakiilka Musasada Al-Karaama ee Nairobi

M_M Deeq
Garoowe
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online