Gudiga Khilaafaadka iyo ansixinta oo shaaciyey Liiska Xildhibaanada cusub ee Puntalnd.[Cod/Masawiro]

December 30, 2013 - Written by Editor

gudigaGaroowe:-Waxaa caawa si rasmi ah ay u shaaciyeen gudiga Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland liiska xubnaha ka mid noqonaya Golaha wakiilada ee Puntland oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 66 xubnood.

Gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka ayaa siddii maanta aan ku shaacinay wararkii galabta ay caawa shaaciyeen ka dib markii ay shir jaraa’id ku qabteen xarunta Golah wakiilada ee magaalada Garoowe iyagoo soo saaray liiska cusub ee Xildhibaanada  Golaha wakiilada Puntland noqon doona 2014 ilaa 2018.

Gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay wada tashi la sameeyeen Issimada ay beelahood ka jira khilaafka cid xubin ka noqonaysa Golaha wakiilada cusub iyadoo arinkaas ay sababtay in Cuqaal iyo Nabadoon ay dhowr qof oo kale duwan u soo saxiixeen xubin nimada Golaha Wakiilada ee Puntland.

Xildhibaanada ay caawa shaaciyeen gudiga khilaafaadka iyo ansixinta golaha cusub ee  Wakiilada Puntland ayaa waxa  ku jira ilaa 20 Xildhibaan oo horay uga tirsanaa Baarlamaanka hore ee Puntland. Xildhibaanada ay beelahood dib u soo doorteen ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan Gobollada Sool, Sanaag , Cayn, Nuqaal , Mudug, Bari, Karkaar iyo Gardafu

no images were found

Xubnaha cusub ee Golaha wakiilada ee Puntland ayaa waxaa la sugayaa in ay kulankooda ugu horeeyey ay fariisan doonaa 1.1.2014 waxaan ay si rasmi ah u dooran doonaa 8.1.2014 madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeen Puntland.

Hoos ka eeg Liiska Xildhibaanada  cusub ee Golaha wakiilada  ee Puntland

no images were found


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online