Gudigii xalinta khilaafaadka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe[Dhagayso]

December 11, 2013 - Written by Editor

tGaroowe:-Guddigii xallinta khilaafaadka iyo soo xulida xildhibaanada Baarlamaanka Puntland  ayaa shir jaraa’id maanta ku qabteen magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxayna faahfaahin ka bixiyeen shaqada loo igmaday iyo qaabka ay u socon doonto waxaana arinkaas xog wareysi saxaafada ka siiyey Afhayeenka Gudigii xallinta khilaafaadka Injineer Max’ud Axmed Xasan.

Afhayeenka gudiga xallinta khilaafaadka Injineer Max’ud Axmed Xasan ayaa waxaa uu ka hadlay diidmada qaar ka mid ah musharaxiinta ay diideen gudiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole wuxuuna sheegay Afhayeenku in gudigooda dhex dhexaad ka yihiin arrimaha taagan, ayna u wada siman yihiin dhamaan musharaxiinta u taagan madaxtinimada Puntland.

Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay in ilaa 15 bishaan ay ku dhamaynaynaa qabashada xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland ka dibna la gali doono xalinta  khilaafaadka haddii khilaaf ka yimaado xildhibaanada la soo xulay.

Afhayeenka gudiga xallinta khilaafaadka Injineer Max’ud Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u sheegay in qorshuhu yahay inay xildhibaanada cusub fadhigooda ugu horeeya yeeshaan 1 January ee sanadka cusub ee 2014 .Dhanka kale Musharaxiinta u taagan madaxtinimada Puntland ayaa diidan guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka gollaha wakiilada Puntland ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole waxayna dhankooda ka soo magacowdeen gudi kale waxaase la wada sugi doonaa mowqifka Issimada Puntland oo kulan iskugu imaan doona magaalada Garoowe maalmaha soo socda.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Gudigii xalinta khilaafaadka ku qabteen Garoowe

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online