Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Pro.Jawaari oo u dhoofay dalka Kenya

December 11, 2013 - Written by Editor

JawaariMuqdisho:-Wafdi uu hogaaminayo Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa gelinkii dambe ee maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana uu ka qeyngali doonaa wafdiga uu hogaaminayo Pro.Jawaari sanad guurrada 50aad ee kasoo wareegatay markii ay dalka Kenya xornimada qaateen

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa waxaa ku sii sogootiga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka DFS Jeeylaani Nuur Iikar,saraakiil ka tirsan DFS iyo Xildhibaanada Baarlamaanka DFS .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqsaday in uu ka qeyb galo xaflada loo dhigayo sanad guurrada 50aad ee kasoo wareegatay markii ay dalka Kenya xornimada qaateen waxaana lagu macneeyey baaqashada Madaxweynaha in uu wadashi balaaran uu ku jiro si uu u soo magacaabo Raisulwasaaraha cusub ee DFS .

Pro.Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hal maalin ku maqnaan doona dalka Kenya waxaana uu soo laaban doonaa maalinta birito ah hadii alle idmo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online