Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyey Geerida Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka…

December 6, 2013 - Written by Editor

JawaariMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Gudoomiyaha gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Warsame Feysal oo maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa isoo gaaray war naxdin leh oo ku saabsan geerida walaalkeen Maxamed Warsame Feysal oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu horeyn waxaan doonayaa in anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka aan ka tacsiyadeeyo geeridaasi naxdinta leh.”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in hayadaha ammaanka oo hada wada baaritaan ku aadan qaabka uu u dhacay qaraxa Xildhibaanku ku geeriyooday laga doonayo iney soo saaraan natiijo rasmi ah oo ay ku qanci karaan Golaha Shacabka iyo shacbiga Soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle uga baryey Xildhibaan Maxamed Warsame Feysal inuu siiyo naxariistiisa jano,sidoo kalena qoyskiisa,xildhibaannada iyo guud ahaanna shacbiga Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so
 

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online