Hay’adda Haro iyo Guddiga culimada oo maanta qeybiyey 650 neef oo ari ah(Masawiro)
December 24, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Hay’adda Haro oo ka mid ah hay’addaha ka shaqeeya arrimaha bulshadda iyo hormarintooda ayaa waxaa ay u qeybiyeen qoysaskii ku cayroobay duufaantii dhawaan ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland.
Gudomiyaha Hay’adda Haro Cali Xaji CabdiNuur ayaa sheegay in la galay qeybtii labaad ee gurmadka taas oo ay Hay’adda Haro ay bilaawday in ay xoolo u goyso dadkii cayroobay duufaantii dhawaan ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland.
Hay’adda Haro ayaa sidoo kale booqasho ku tagay iskuulka indhoolayaasha ee Albasar oo ku yaala magalada Garowe waxaana Gudomiyaha Hay’adda Haro Cali Xaji CabdiNuur ay u guur galay xaalada waxbarasho iyo nolasha iskuulka Al-basar
Gudoomiyaha Hay’adda Haro Cali Xaaji ayaa sidoo kale booqday socdaal Hooyo,cunug ay dhashay iyo aabaheed oo dhimirka ka xanuunsan kuna sugan duleedka tuulada Jalam ee Gobalka Nugaal waxaana uu dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaday in la soo gargaaro.
no images were found
Hay’adda Haro ayaa guddiga culimada waxaa ay ku wareejisay 650 neef oo ari ah, waxaana maanta loo qeybiyey duufaantii dhawaan ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland.
A/Cawale
Halgan.net