Mu’asasada Al-irshaad oo deeq gaarsiisay gobolka Shabeelada Dhexe.[Masawiro]
December 31, 2013 - Written by EditorJowhar:-Mas’uuliyiinta mu’asasada dacwada & hurumarinta safa ayaa waxaa u suura gashay inay booqasho & qeybin gargaar u tagaan gobolka SHABEELADA DHEXE degmadiisa jawhar iyagoo halkaas kasoo qeybiyey deeq raashin ceyriin ah oo ay soo direen Mu’asasada al-irshaad & maraakizta dacwada & masaajida ku yaal wadanka ingiriiska UK.
Deeqdaas oo ahayd markii hore deeq lacageed oo gaareysa $ 10,000 toban kun oo doolar ayaa waxaa lagu gaday raashin ka kooban bariis, bur, & saliid oo loo qeybiyey dadka kusoo bara kacay degmada jawhar oo ey saameyn xun ku reebtay fatahaada balaaran ee ka dhacday deegaankaas.
Qaabkii loo fuliyey deeqdii ka timid m.irshaad.
Sidaan kor ku xusnay lacagta ay soo direen walaalaha waxaa lagu gaday raashin ka kooban bariis,bur,& saliid waxaana looqeybiyey ilaa lix boqol oo qoys waxayna hawshaas ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan .
no images were found
Halkaan ka eeg Warbixnta deeqda laga gaarsiiyey degmada Jowhar oo dhamaystiran
Mu’asasada al-irshaad &
maraakizta dacwada ee UK