Hay’adda Wanaag farista iyo xumo reebista oo looga dhawaaqay Laascaanood

December 20, 2013 - Written by Editor

1hLaascaanood: Waxaa ka dhacday magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool Xaflad balaadhan oo lagu daah furay Hay’ada wanaag farista iyo xumo reebista, xafladda ayaa waxaa ay ka dhacday Masjidul jaamaca magaalada Laas-caanood. Xaflada ayaa waxa ka soo qayb galay culimo, odayaal, ganacsato, arday iyo qaybaha kale duwan ee bulshada .

Waxaa ugu horeyn ka hadlay xafladda Sh.Maxamuud Xaliike (gudoomiyaha golaha fulinta ee hay’adda ) sheekha ayaa furfuray xaflada kana hadlay ujeedada loo aasaasay hay’addan, intaa ka dib ayuu sheekhu hadalka ku soo dhweeyay Sh.Cali Macalin Xassan oo k amid ah culimada iyo odayaasha shuurada ee hay’adda .

Waxaa kalmaddii xigtay jeediyay Sh.Axmed Maxamed Sulaymaan (gudoomiyaha golaha wadatashiga ee hay’adda ) oo warbixin faahfaahsan ka bixyay hay’adda dhismaheeda iyo halka ay iminka marayso .Waxaa iyaguna goobta hadalo kale duwan oo aad qiimo badan kasoo jeediyay Sh.Saciid Axmed Cadare , Sh.Maxamed Sheekh.Aadam weli , Prof.Cabdirisaaq lafoole , Oday cabdilaahi ciise Oog, Oday Siciid Cabdilaahi Cumar , Ganacsade Cabdirisaaq Axmed Warsame .Hay’adda ayaa lagu wadaa in ay bilawdo hawleheeda shaqo maalmaha fooda inagu soo haya haddii ALLE idmo .

no images were found


Gobolaka Sool ayaa waxa horay uga jiray jihooyin dacwadeed oo kaladuwan oo ay ka mid yihiin :
1. Mu’asasada Alkaram ee dacwada iyo hanuuninta
2. Golaha Ardayda ka baxday Machadka al-furqaan
3. Ardayda dhigata Macaahidda kala duwan ee magaalada .
Si kastaba ha ahaatee hay’adda ayaa iyadu noqonaysa mid xoojinaysa jihooyinkaas waxna ku soo kordhin doonta dacwadda gobolka  hadii ALLE idmo .

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online