Hogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Maxamed Al-Jowlani oo waraysi siiiyey Al-Jazeera.[Daawo]

December 19, 2013 - Written by Editor

JabhatulnusraHogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Maxamed Al-Jowlani ee dagaalka kula jira dowladda Siiriya ayaa waxaa uu waraysi gaar ah siiyey Tv- Aljazeera qaybtiisa Carabiga isagoo ka warbixiyey halka uu marayo dagaalka ay kula jiraan dowladda Siiriya waxaan uu xusay in dalka Siiriya inta badan ay gacanta ku hayaan. Hogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Maxamed al Jawlani ayaa wareysigiisa ku sheegay in ciidan kiisu ay gacanta ku hayaan 70% dagaalkuna uu hadda yahay mid gabo gabo ah.

Hogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Maxamed Al-Jowlani ayaa meesha ka saaray wada hadalo ka socda dibada dalka Siiriya oo ay wadaan Siyaasiyiin Qurbo joog ah iyo xubno ka tirsan beesha caalamka isagoo hogaamiyaashaas ku eedeeyey in aysan ma talin shacabka Siiriya ee halganka kula jira dowladda Siiriya.

Hogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Maxamed al Jawlani ayaa ka digay in lagu xukumo gaalnimo shucuubta Islaamka ah, arrinkaasna in ay tahay xadgudub diineed oo aysan qabin Jabhatul Nusra isagoo sheegay in xukunka loo daayo culimada Islaamka iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ee diinta aqoonta durugsan u leh.

Mar wax laga wiidiiyey Hogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Maxamed al Jawlani wax ay taladoodu tahay haddii ay xukunka la wareegaan ayuu sheegay in xukunka ay dadka ka tala gelinayaan.

Waraysiga uu bixiyey Hogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Maxamed al Jawlani ayaa waxaa ka muuqda kala duwanaasho dhinac fikriga ah ee u dhexeeya ururka Dowlada Ciraaq iyo Shaaam iyo Jabhatul Nusra iyadoo maalmihi la soo dhaafay saxaafada laga arkayey qoraalo is bar bar socda oo ay iska qorayeen hogaamiyaasha Jabhatul Nusra iyo ururka Dowlada Ciraaq iyo Shaaam

Hoos Ka Daawo qayb yar oo ka mid ah Waraysiga Hogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Maxamed al Jawlani Wareysiga oo dhameystiran ayaa caawa ay sii deyn doontaa Al-Jazeera

Source Al-Jazeera.net
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online