Isbaarooyinka yaa dhigay? Sh Axmed Cabdisamad (Qeybta 1aad)

December 29, 2013 - Written by Editor

Sh Axmed CabdisamadGaroowe:-Dad badan waxay dhasheen iyadoo Kaantaroolo (Isbaarooyin) yaalaan magaalooyinkeen, kuwana way ku caqlisadeen, qaarna way arkeene ismaba weydiin cidda dhigtay iyo sababta loo dhigay. Laftaydu waxaan ka mid ahaa dadkii arki jirey burburkii ka hor koontaroolo magaalooyinka waaweyn yaal. Waxay ila ahayd in meesha loo dhigay canshuur iyo la socodka dhaq dhaqaaqa wadada gaar ahaan xilliyadii dambe oo jabhaduhu samaysmeen.

Laakiin waxaa xusid mudan in burburkii ka dib isbaarooyinkaan ay dhigteen dadkii lagu magacaabi jirey Jirri ama mooryaan ama dayday; si ay ugu baartaan gaadiidka iyo dad weynaha socdaalka ah. Qayb ka mid ah isbaarooyinkaan waxaa dhigay odayaasha ama maamuladii gobollada qaarkood ka samaysmay, waxayna mooryaanta u ogolaadeen inay xoolo ka qaataan gaadiidka si ay eliyaan boobka bareerka ah ee dadweynaha!.

Waxaa laga dhici kadha inaad la yaabtid maamul ama odayaal tuugo u idmaya inay dadka xoolo baad ah ka qaataan laakiin haddaad ogaan lahayd xaalku sidii uu xilliyadaas ahaa waad u ducayn lahayd dadkii fikraddaas keenay; waayo shar weyn oo ummadda haystay ayay ku joojiyeen shar aad uga fudud. Waa tan la yiri: Ilaahow nin aan wax ogayn ha cadaabin!.

Way socotaa …

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online