Issimada soo Jireenka ah ee Puntland oo gudi farsamo iska dhex doortay
December 31, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa sheegaya in saaka kulan ay isigu yimaadeen isimada soo jireenka ah ee Puntland waxaana ay kulankooda uga hadleen qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada Puntland oo si khalad ah ku so galeen golaha wakiilada ee Puntland.
Issimada soo jireenka ah ee kulan saaka ku qaatay guriga Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ay kala yihiin.
1. Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Yusuf Keenadiid
2. Suldaan Saciid Suldaan cabdisalaan
3. Boqor Burhaan Boqor Muuse
4. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
5. Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin
6. Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Cabdulahi
7. Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
8. Beeldaaje Ismaciil Beeldaaje Yasiin
9. Suldaan Maxamad Axmed Cabdulle (Buurtinle)
10. Sulaan Subayr Xaji Maxamud
11. Beeldaaje Maxamad Beeldaaje Axmed
12. Suldaan Cabdiqani Suldaan Cali Baale
13.Suldaan Maxamed Suldaan Maxamud Cilmi
14. Islaan Axmed Islaan Maxamud Islaan Maxamad
15.Suldaan Cabirishiid Muuse Shire
16. Caaqil Cabdiwahaab Maxamud Gurey
Isimada soo jireenka ah ayaa waxay saaka iska xuleen gudi farsamo oo soo diyaariya cabshooyinka ka taagan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee Puntland oo aysan gudubin Isimadu ee lagu arkay liiska golaha wakiilada Puntland waxaana ay kala yihiin Isimada loo doortay Gurdiga Farsamo.
1.Boqor Burhaan Boqor Muuse
2.Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan
3.Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
4-Beeldaaje Cali Beldaaje Faarax
5-Suldaan Maxamed Axmed Cabdulaahi (Burtinle)
6.Suldaan Cabdiqaadir Cumar Faarx Shabeelle
Dhanka kale waxaa wili xal laga gaarin kala aragti duwanaata Isimada Puntland waxaana saaka sidoo kale kulan uu ka dhacay Guriga Islaan Ciise waxaana qaar ka mid ah Isimada ay wadaan in ay Isimada dhaqanka kulan guud wada qaataan si loo turxaan bixiyo kala aragti duwanaata Isimada.
M_M Deeq
Halgan.net