Isimada soo Jireenka Ee Puntland oo go,aan ka soo saaray magaalada Garoowe
December 28, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Isimada soo jireenka ee dowlada Puntland oo kulamo ay uga socdeen magaalada Garoowe ee xarunt Puntland ayaa go’aamo ka soo saaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.Isimada soo jireenka ah ee Puntland ayaa waxaa diirada ku saareen baaqooda arrimaha doorashada ee taas oo dhici doonta 8 Jan 2014.
Go’aanka Isimada soo saareen ayaa waxaa uu qornaa sidan:-
Ku: Guddiga Xallinta Khilaafaadka Baarlamaanka Puntland
Og: Mudane Cabdiraxman Maxamad Maxamuud Madaxweynaha Dawladda Puntland
Og: Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland
Og: Mudane Nicholas Kay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya.
ISIMMADA Puntland shir ayey ku yeesheen Garoowe, Magaala Madaxda Dawladda Puntland, taariikhdu markey ahayd 27.12.2013. Shirka Isimmada waxaa lagu lafaguray dhinacya badan oo la xariira doorashada Puntland ee sannadka 2014, ugu dambayntiina waxaa la guddoonsadey qodobbada soo socda:
1. Doorashada madaxtinimada puntland waxey qabsoomeysaa wakhtigeedii oo ah 8da Janaayo.2014.
2. Xubnaha Xildhibaanada lama shaacin karo, lamana gudbin karo ilaa ISIMMADA marjaca ahi ay ka xalliyaan khilaafadka ka jira noqoshada xubinnimada Golaha Shacabka Puntland.
3.Sidoo kale ISIMMADU waxey diyaar u yihiin xallinta wax kasta oo adkaada iney ka qaataan doorkooda.
Go’aanka isimada Puntland ayaa waxaa uu ku soo aaday xili ay Musharaxiinta madaxtinimada Puntland ay sheegeen in ay tanaasul sameeyeen ayna ku baaqeen in Puntland ka dhacdo doorasho xalaal ah.
Isimada soo jireenka ah ee Go,aanka soo saaray waxay kala yihiin
Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Yusuf Keenadiid
Suldaan Saciid Suldaan cabdisalaan
Boqor Burhaan Boqor Muuse
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin
Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Cabdulahi
Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
Beeldaaje Ismaciil Beeldaaje Yasiin
Suldaan Maxamad Axmed Cabdulle (Buurtinle)
Sulaan Subayr Xaji Maxamud
Beeldaaje Maxamad Beeldaaje Axmed
Suldaan Cabdiqani Suldaan Cali Baale
Suldaan Maxamed Suldaan Maxamud Cilmi
Islaan Axmed Islaan Maxamud Islaan Maxamad
Suldaan Cabirishiid Muuse Shire
Caaqil Cabdiwahaab Maxamud Gurey,
M_M Deeq
Halgan.net