Isimadda Puntland oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka Jirta Degmada Taleex
December 1, 2013 - Written by EditorGarowe:-Qaar ka mid ah isimadda Puntland ayaa maanta waxay kulan ku yeesheen magalada Garowe ee xarunta Puntland iyaga oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Degmada Taleex ee gobalka Sool.
Isimada ayaa waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka lagana shaqeeyo nabadgalyada iyo wadashaqeynta waxaa kale oo ay baaq gaar ah u direen garabyada ay quseyso dhiilada colaadeed ee ka jirta gobalka Sool.
Waxaa ka mid ah Isimada baaqa soo jeediyey ee kulanka ku qaatay Magaalada Garoowe
Suldaan Siciid Maxamed Garaase.
Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise.
Ugaas C/Xakiin Nuur Weehaan.
Ugaas C/qaadir Cilmi Filig.
Suldaan C/laahi Axmed Nuur.
Suldaan Siciid Maxamed Irbad.
Suldaan Khaalid Abshir Saalax.
Suldaan C/xakiin Jaamac Nuur.
Garaad Maxamed Dacar.
Garaad C/laahi Cali Ciid.
Garaad Maxamed Cilmi Shirwac.
Bayaanka Isimadda Puntland ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili wararka ka imaanada gobalka Sool ay sheegayaan in ciidamo tiro badan uu wato Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu gaaray Degmada Taleex
M_M Deeq
Halgan.net