Isimo, siyaasiyiin iyo xubno ka socda UNSOM oo ku howlan xalinaya Khilaafka Puntland

December 18, 2013 - Written by Editor

627Gaalkacyo:-Xaruunta Puntland ee Garoowe waxaa laga dareemayaa dhaqdhaaq iyo dadaal loogu jiro in dhaqso loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo, dhinacyadaas oo ku kala aragti duwan guddiga khilaafaadka.

Isimada Puntland oo maanta ku shirsanaa xaruunta PDRC ee Garoowe ayaa isla soo qaaday sidii loo dhex-geli lahaa musharixiinta iyo madaxweynaha, si dhaqso go’aan looga gaaro khilaafka jira ee ku salaysan guddiga Ansixinta iyo xalinta khilaafaadka.

Kulankii shalay ee madaxweynaha iyo musharixiinta ayaa laga filayey in wax wanaagsani ka soo baxaan in kastoo lagu kala kacay. Isimada ayaa horay u sheegay inay talaabo qaadi doonaan marka la helo natiijada kulanka labbada dhinac oo shalay la wada sugayey.

Musharixiinta ayaa haatan iyana bilaabay dadaalo ay ugu jiraan in xal la helo oo la dhameeyo xaalada jirta, kulamada gaar gaarka ah ee dhinacyada arintu khusayso ay leeyihiin ayaa sii kordhaya halkan Garoowe, isimada iyo siyaasiyiinta ayaa iyana doorka ugu wayn ku leh in debacsanaan la muujiyo.

Gen. Cabdulaahi Siciid samatar oo ah gudoomiyaha musharixiinta tartamaya ayaa shalay u baaqay Isimada Puntland, wuxuuna ka dalbaday in ay howsha soo fara-geliyaan, musharixiintu waxay kaloo ku baaqeen in doorashada xiligeeda lagu saleeyo oo aysan dib u dhicin.

“Sharci maaha in musharixiintu ka doodaan magcaabista guddiga. cidii dhab u tartamaysa ha qaadato waxaan aqbalnay iyo waxaan u jeedinay.” ayuu yiri Dr. Faroole oo isna shir jaraa’id shalay ka qabtay khilaafka u dhexeeya isaga iyo musharixiinta tartamaya.

Saraakiil ka socda xafiiska UNSOM ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa iyana Garoowe u jooga dhex-dhexaadinta khilaafka labbada dhinac, Nuuradiin Aadan diiriye ayaa sheegay in uu maanta la kulmay madaxweyne Faroole oo ay ka wada hadleen arinta khilaaf, wuxuu tilmaamay in wax wanaagsan ay isla gaareen.

Nuuradiin sidoo kale wuxuu la kulmay xubno ka tirsan musharixiinta oo ay isla gaareen in jidka horusocodka la qaado lagana gudbo waxyaabaha la isku hayo, qoraal uu dhigay boggiisa bulshada ayuu ku shaaciyey la kulankiisa dhinacyada is haya oo madaxtooyadu ku jirto oo rajo wanaagsan muujin karo.

Doorashada waxaa ka dhiman maalmo kooban welina la dhamaystirin xildhibaanadii baarlamanka cusub, kuwaas oo horay loo qorsheeyey inay fadhiga ugu horeeya yeeshaan maalinta koowaad ee sanadka cusub oo ah 1-da janaayo, xiligaas waxaa doorashada ka dhiman tahay 8 maalmood oo keliya.

Madaxweyne Faroole iyo musharixiinta intuba waxay shalay si cad u sheegeen inay isku fahmi waayeen qodobka magcaabista guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka doorashada, oo ay musharixiintu ku andacoodeen inay la magcaabaan madaxweynaha, halka Dr. Faroole sheegay taas inaysan sharci ahayn

Amaanka caasimada Puntland ee Garoowe oo ah halka doorashadu ka dhacayso ayna joogaan marti, musharixiin, isimo iyo goob-jooyaal kale ayaa aad loo adkeeyey, guud ahaan dadka Puntland ayaa sugaya in xal la gaaro.

Ururrada bulshada rayidka ee Puntland ayaa walaac ka muujiyey khilaafka musharixiinta iyo madaxweynaha ee la xiriira arinta guddiga, haweenka ayaa ku baaqay in la muujiyo isu-tanaasul, gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Bari Maryan Guduudo oo daljir la hadashay maanta waxay isimada ugu baaqday in ay kaalintooda qaataan.

Abdirahman Aato
Garoowe
Xigasho Radio Daljir

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online