Issimo baaq ka soo saarey magaalada Garowe

December 30, 2013 - Written by Editor

Beeldaaji-Cali-FaaraxGaroowe:-Waxaa maanta Garoowe ka soo saaray baaq qaar ka md ah Issimada waaweyn ee soo jireenka ah waxaan ay baaqooda u jeediyeen dhamaan Issimad Puntland iyagoo ugu baaqay in la midoobo lana ilaaliyo midnimada Issimada Puntland oo ah mid ugu saraysa.

Issimad ayaa waxaa ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka uu u shaqaynayo ama awood gudiga Khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Puntland ee uu magacaabay madaxwey naha Puntland, Khilaafka ayaa ah md la xiriira taageerada ay Issimadu u kala hayaan Musharaxiinta iyo madaxweynaha Puntand ee xilkiisu uu sii dhamaanayo.
Issimada bayaanka ka soo saaray Garoowe ayaa waxaa uu baaqooda u qornaa sida tan:-

Anaga oo ah Isimada hoos ku xusan.

1. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin

2. Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax

3. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

Waxaan ku baaqaynaa

1. Waxaan ka xunahay khilaafka soo kala dhex-galay Isimada Puntland, waxaan u soo jeedinaynaa inay midoobaan wada-hadlaana si wadajir ah, soona afjaraan khilaafka u dhexeeya.

2. Waxaanu cadaynaynaa in aanu goob joog ka ahayn shirka ay isugu yimaadeen qaybo ka mid ah Issimada taariikhdu markay ahayd 29/12/2013 waxna aanu ka saxiixin anagu.

3. Waxaanu soo jeedinaynaa inay dhacdo doorashadu xilligeedii loo asteeyey inay qabsoonto oo ah 8 janaayo 2014, lana aqbalo guddiga ansixinta xubnaha baarlamanka iyo xalinta khilaafaadka natiijada ka soo baxda.

4.Waxaan soo dhowaynaynaa heshiiskii ay wada gaareen madaxweynaha hadda xilka haya Dr. Cabdiraxmaan sheikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo madaxweynihii hore mudane Gen. Maxamuud muuse Xirsi Cadde.

5. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka iyo ciidanka qalabka-sida ee Puntland inay amniga si wadajir ah uga shaqeeyaan.

Dhamaad

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online