Jarmalka iyo Masar oo Safiiro cusub u soo magaacabay Soomaaliya

December 9, 2013 - Written by Editor

IMG_9970Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo  Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.

IMG_9988Mar uu Madaxweynaha la hadlayay Safiirka Jarmalka ayuu u sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyay xiriir dheer oo wanaagsan. “ Soomaaliya waxey ka faa’idey satay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda  Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan  tababar heer- sare ah.

 

IMG_0048“Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay. Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyadda Yurub anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska.” Madaxweynaha ayaa markii u la kulmay Safiirka Masar wuxuu kala hadlay xiriirka taarikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal. “Labadeena dal waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray. Dowladda Soomaaliya wey kusoo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed.”

IMG_0069Ugu danbeyn, madaama aminga Soomaalia u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka,dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay  la lahaayeen Soomaaliya in ay  dib usoo celiyaan.

Wixii Faah faahin ah kala Xiriir Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Malik Abdalla

Mabdalla@presidency.gov.so
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online