Kulan ay iskugu yimaadeen jaaliyadda Leicester oo looga warbixinayey deeq lacageed oo ay direen.[Cod/Masawiro]

December 15, 2013 - Written by Editor

20131214_165513Leicester:-Waxaa maalintii shalay oo Taariikhdu ahayd 14.12.13 ka dhacday xaflada balaaran oo ay soo qaban qaabi say Hay’adda Marda oo ahayd hay’addii fududeysay  deeqdii lacageed ee ay Soomaalida degan magaalada leicester, UK u direen gudiga gurmada culimada Puntland.Gudiga gurmada culimada Puntland ayaa iyagu masuul ka ahaa gurmadkii loo fidiyey dadkii Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay roobabkii dabaylaha iyo duufaanka watay ee ku dhuftay deegaanad Puntland.

Xafladda oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan waxgaradkii , odayaashii ,culimadii iyo ducaadii howl wadeenada ka ahaa Masaajidda magaalada Leicester, Uk dowr wax ku oolna ka ahaa deeqdii lacageed ee laga aruuriyey  Soomaalida ku nool ee magaalada leicester,Uk iyagoo si wada jir ah  deeq lacageed oo gaaraysa 22.724 doollar ku hagaajiyey  Sheekh. Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah gudiga gurmada culimada Puntland. Ugu horayn xaflada oo uu furay C/fataax Axmed Guure kana mid ah masuuliyiintii Hay’adda Marda una qaabilsan dhinac xiriirka ayaa waxaa uu soo dhaweeyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflad waxaan uu hadalka siiyey markii ugu horaysay Sheekh Ismail oo dadweynihii ka soo qayb galay xaflada xasuusiyey cabsida Alle iyo in ay sii wadaan in si wada jir ah ay wax u wada qabsadaan.

Xaflada ayaa waxaa kale oo hadalo guubaab iyo waano ah ka jeediyey odayaasha magaalada Leicester,UK oo aan ka tilmaami karno , Yaasiin Daahir, Cabdi Maxamed Tarax oo xilala kale duwan ka soo qabtay dowladdii dalka Soomaaliya soo maray, Axmed Jaamac, Cabdullahi Suudi, Suldaan Qiilmawaaye.

Waxaa kale oo iyagana  hadalo kooban oo u badanaa wacdi iyo waano ka jeediyey culimada iyo ducaad Masaajidda magaalada Leicester ,Uk oo aan ka xusi karno  Sh.Cabdiweli  Muuse Ilweyn,  Sh.Cabdixakiin Dheere, Sh. Cabdishakuur  iyagoo dhamaan dadkii ka soo qayn galay xaflada uga mahadceliyey sidda ay ugu gurmadeen dadkii walaalahood ahaa ee dhibku gaaray , culimada iyo ducaad ayaa waxaa ay si wada jir ah ay mahad ugu jeediyeen Hay’adda Marda oo iyadu fududeysay deeqdii lacagteed ee la diray ee ay aruuriyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Leicester.

no images were found


Intii ay socotay Xaflad ayaa  waxaa warbixin kooban siiyey dadkii ka soo qayb galay Xaflada Sheekh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah guddoomiyaha gudiga gurmada culimada isagoo mahad balaaran u jeediyey dhamaan dadkii deeqaha la baxay gaar ahaan Jaaliyaddaha dibadda ku nool , Sh Maxamuud Xaaji ayaa waxaa uu ka warbixiyey xoolaha loo qaybiyey dadkii cayroobay.

Hoos ka Dhagayso warbixinta Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf Gabagabadii xaflada ayaa  waxaa hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha  Hay’adda Marda Cabdi Daahir Jaamac Sodanle isagoo soo dhaweyn ka dib uga mahad celiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada  leicester sidda isku duubnida ah ee ay ugu gurmadeen dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku dhacday isagoo xusay in hay’adda Marda ay diyaar u tahay wax walba oo wax tar u ah umada Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Hay’adda Marda ayaa sheegay in lacagta la aruuriyey ay bixiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee leicester lacagta oo ahayd mid badan ay fududeysay oo kaliya Hay’adda Marda.

C/fitaax Axmed Guure
leicester ,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online