Shir jaraa’id oo ay Musharaxiin ku qabteen xarunta PDRC ee Garoowe.[Cod/Masawiro]

December 17, 2013 - Written by Editor

musharaxiinGaroowe:-Kulankii saaka uga furmay musharixiinta iyo madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa ku soo idlaaday is afgaran waa ka dib markii la isku mari waayey in xal laga gaaro qaabka loo soo magacaabayo gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada ka mid noqonaya Baarlamaanka Puntland.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen musharaxinta xilka madaxweynanimada Puntland xarunta PDRC ayaa waxaa ay xuseen in shirka ay la qaateen Madaxweynah Puntland ay isku afgaran waayeen in gudiga khilaafka iyo xalinta ee uu magacaabay Madaxweynuhu dib loogu laabto arrinkaas oo uu diiday madaxweynuhu.

Afhayeenka musharaxiinta Cali Xaaji Warsame ayaa  ugu baaqay Issimada Puntland in ay soo kala dhex galaan khilaafka ka dhex jira musharixiinta iyo madaxweynah Puntland, si loo soo dhiso gudi laga wada tashaday. Dhinac kale musharax Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar ayaa sidoo kale ugu baaqay issimada in ay kaalintood qaataan  si is afgarad looga gaaro khilaafka jira.

no images were found

Maalmihii u danbeeyey ayaa saxaafad ka howl gasha deegaanada Puntland waxaa ay inta badan soo bandhi geen digreetooyin ay  gudiga Khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada ay ku soo magacaabeen Madaxwey nayaashii xilka talada Puntland soo qabtay.

Hoos ka Dhagayso Shirkii jaraa’id oo ay Musharaxiin ku qabteen xarunta PDRC ee Garoowe

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online