Maamulka gobolka Bari iyo kan Degmada oo dhagax dhigay wado laami ah oo Cusub
December 23, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada magaalada Boosaaso ayaa maanta dhagax dhigay wada laami ah oo cusub waaana wadada ay ka bilaaban doontaa halka lagu magacaabo maqaska waxayna ay gaari doontaa dekeda Boosaaso.
Wadada Cusub ee maanta ay dhagax dhigeen Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan ayaa waxay qeyb ka tahay mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG waxaana wadada loogu magacdaray Huruuse.
Wadad cusub ayaa dherer ahaan gaareysa 1 Km iyo 250 mitir waxaana soo dhaweeyey dhismaha wadada dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso gaar ahaan Ganacsatada .
Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo ka hadlay dhagax dhiga wadada cusub ayaa sheegay in magaalada Boosaaso ay aad u fiday ayna u baahan tahay wadooyin laami ah si loo yareeyo saxmada ka jirta magaalada waxaana uu ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso in ay ilaashadaan wadooyinka la dhisayo iyo bilicda magaalada
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ilaa haatan waxaa laga hergaliyey ilaa 10 wado oo ay qaar ka mid ah wili ku socdaan dhismo qaarna la dhameeyey.
Dhanka kale Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan ayaa isna ka hadlay dhagax dhiga wadada cusub ee Huruuse wuxuuna sheegay in dhismaha wadooyinka laamiga ah ay wax weyn ku soo kordhinayso magaalada Boosaaso gaar ahaan amniga iyo bilicda magaalada.
M_M Deeq
Halgan.net