Maamulka iyo shacabka Gobalka Banaadir oo $200.000 soo gaarsiiyey Gudiga Gurmadka Culimada Puntland.

December 19, 2013 - Written by Editor

ddMuqdisho:-Maamulka iyo Shacabka Gobalka Banaadir ayaa soo gaarsiyey maanta deeq lacag ah oo gaareysa  $200. 000  oo kun oo dollar ,gudiga gurmadka culumada Puntland waxaana lacagtan wax loogu qaban doonaa dadkii ku waxyeeloobay duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah Deegaanada Puntland.

Guddiga Gurmadka Culumada Puntland oo ay horkacayaan masuuliyiinta Mu’assada Al-minhaaj ayaa kulan kula qaatay Hotel Rugsan ee magaalada Garoowe wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka gobalka Baandir  Iimaan Nuur Iikar  waxaana socdaalkiisa ku weheliyey culimaa’üdiin, ganacsato iyo xubno ka tirsan gobalka Banaadir. Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gobalka Baandir waxaana uu sheegay in shacabka gobalka Banaadir iyo Maamulkiisa ay u soo wakiisheen in gudoomiyaha guddiga gurmadka ee culimaa’udiinka Puntland ay ku wareejiyaan lacag deeq ah oo ay soo uruursheen shacabka gobalka Banaadir oo dhan  $200.000 .

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Baandir ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin walaalo loona baahan yahay in ay isku gargaaraan wuxuuna intaas ku daray in ay shacabka Soomaaliyeed isku filan yihiin oo ay ka maarmaan hay,addo ajaanib ah . Gudoomiyaha guddiga gurmadka ee culimaa’udiinka Puntland  Sh Maxamuud Xaji Yuusuf ayaa aad ugu mahad celiyey Maamulka gobalka Banaadir iyo Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxaana uu ugu duceeyey in alle khayr badan siiyo  iyo nabad waarta .

no images were found

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay Guddoomiyaha Gobalka Nugaal ,Wasiirka deegaanka Dalxiiska iyo duur joogta waxaana ay dhamaan u mahad celiyeen Maamulka gobalka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo u soo gurmaday walaalahood ay duufaanada ku dhufteen.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online