Machadka Al-furqaan Buuhoodle oo Ardayda dhigata Dalxiis geeyey.[Masawiro]

December 22, 2013 - Written by Editor

152Buuhoodle:-Ardayda dhigata Machadka Diiniga ah ee Al-furqaan ee magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa maanta dalxiis loo geeyey Goobaha ugu caansan Magaalada Buuhoodle ee Xaruta Gobolka Cayn iyadoo ay socdaalka ku weheliyaan Maamulka Iyo Macalimiinta wax Kadhiga Machdaka Islaamiga ah ee Al-Furqaan.

Ardayda ayaa Dalxiiska waxay ka soo bilaabeen goobta dalxiiska loo tago ee lagu magaacaabo Goblo Doox oo Waqooyiga ka xigta Buuhoodle Una Jirta Hilaadii 9km. Waxaa ardayda ku weheliyey socdaalkan maamulka iyo macalimiin waxaana ka mid ahaa:-
1- Sh.c/shaafi axmed cali (maamulaha machadka alfurqaan).
2- Sh.axmed maxamed samatar (maamule ku xigeenka)
3- Sh.c/laahi cabdi casiis ismaaciil (amiinul maktaba)
4- Prof.cadnaan axmed maxamed
5- Sh.c/qaadir maxamed nuur x/cali (c/qaadir naxwe).
6- Sh.c/laahi c/samad cali xasan.
7- Sh.shaafici maxamed abuubakar.

Ardayda ayaa waxaa ay gudo galeen qaybaha kale duwan ee dalxiiskooda iyadoo ardayda loo kala qaybiyey ilaa labo kooxood oo la wada ciyaarsiiyey ciyaarta Kubada Cagta oo ahayd mid xiiso leh.

Cayaartaasi ka dib ayaa Gudoomiyaha Jaamacada Bariga africa Faraceeda Buuhoodle Ahna Maamulaha Machadka Al-furqaan Dr. C/shaafi Axmed Cali ayaa ardayda u jeediyey khudbo dheer oo ka hadlaya u jeedada dalxiiskood.

Waxaa La gaadhay Xiligii Salaada Duhur Ayadoona Halkaasi lagu oogay Salaadii Duhur oo ka mid ah Rukuniyada ugu waawayn Islaamka. Intaasi ka dib ayaa waxaa La guda galay In ardaydu ay wada qadeeyaan iyadoo loo sii diyaariyey cunatadooda iyagoona si habsami leh ugu qadeeyay Geeddaha waaweyn ee Cagaaran ee Goobta Dalxiiska Goblo Dooxo jawiguna waxaa uu ahaa mid wanaagsan.

Waxaa intaasi ka dib kalimad diini ah u soo Jeediyey Maamulka,Macalimiinta,Ardayda,iyo Bahda Saxaafada oo maanta halkaasi Dalxiis ku joogay Sh.C/qaadir Nuur X,Faarax oo Isagu ka mid ah Macalimiinta Duruusta kala duwan ka dhigta Machadka diiniga ah ee Al-Furqaan.

Ugu Danbayntii Dalxiiska Ardayda ayaa Isugu soo Biyo shubtay Baliga Weyn ee Caanka ah ee la yiraahdo Shangale Waxaan ardaydu ay ku sameeyeen halkaas Jimicsiyo kale duwan oo ay ka mid tahay Dabaasha waxaan ardaydu ay sameeyeen tartan dhinac Dabaasha ah Baliga Weyn ee caanka ah ee Shangale ayaa waxaa uu qiyaastii dhererkiisa lagu Qiyaasay 130M Inuu yahay.
Isku soo wada duuboo Jawigani Dalxiiska ayaa ku soo dhamaaday waji farxadleh oo degan iyadoo dhamaan Maamulka, Macalimiinta Iyo Ardaydaba Ay Wajiyadooda ka muuqanaysay farxad iyo waliba Nashaad waana markii u horaysay oo Barnaamij noocaan oo kale ah uu Sameeyo Machadka sare ee Al-furqaan Buuhoodle tan iyo markii la Aasaasay Sandkii 2007.

Maamulka Machadka Al-furqaan
Buuhoodle, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online