Machadka Dr.Axmed Xaaji oo ay maanta ka qalin jabiyeen 150-arday .

December 13, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:-Machadka hormarinta arrimaha bulshada ee Dr.Axmed Xaji C/raxmaan ayaa waxaa maanta ka qalin jabiyey 150 arday oo baranayey hormarinta arrimaha bulshada iyo cilmiga Sayniska waxaana xaflad balaaran loogu qabatay ardayda hoolka shirarka Jaamacadda Barifa Africa ee magaalada Garoowe.

Xaflada Qalinjabinta ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliin ka tirsan dowlada Puntland ,Maamulka Machadka, Macalimiin iyo dhamaan ardayda wax ku barata Machadka Dr.Axmed Xaji C/raxmaan raximahulaah .Ugu horeyn ayaa munaasabada xaflada waxaa furay oo ka hadlay Mamulaha machadka Dr.Axmed Axmed Diiriye waxaana uu u mahad celiyey dhamaan martida ka soo qeyb gashay xaflada isaga oo hambalyo u diray dhamaan ardaydii ka qalinjabisay machadka Dr Ahmed .

Maamulaha Machadka Dr Ahmed ayaa ku dhiiro galiyey dhamaan ardayda in ay waxbartaan kana faa,ideysaan wakhtigood si ay naftoodana wax u taraan umadana wax ugu qabtaan.Qaar ka mid ardaydkii ka qalin jabisay Machadka Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka hadlay xaflada qalinjabinta ayaa shegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shahaadooyinka ay qaateen iyo aqoontii ay ka barteen machadka Dr.Ahmed Xaji .

Dhanka dowladda Puntland ayaa waxaa xaflada ka hadlay Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan waxaana uu mahad balaaran u celiyey maamulka Machadka ,macalimiinta waxaana uu si gaar ah ula dar-daarmay ardaydii ka qalin jabisay Machadka Dr Ahmed Xaaji raximahulaah in ay aqoontooda umada wax ugu taraan .

Ugu danbeytii ayaa Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan waxaa uu gudoon siiyey shahaadooyinkii 150 arday ee ka qalinjabisay Machadka Dr Ahmed Xaji raximahulaah oo ay shabaab ku dileen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online