Madaxweynaha DFS oo dhawaan magacaabi doona Ra’iisul wasaare cusub
December 11, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud uu ku gudo jiro wadatashigii ugu danbeeyey ee uu ku soo magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha cusub. Warar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha DFS Xassan Sh.uu qaabilay xubno badan oo u ordaya in ay qabtaan xilka Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa xubnaha uu ilaa hadda la kulmay waxaa ugu cad cad ilaa 3 masuul oo u sharaxan in ay qabtaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kala yihiin:-
1.Xuseen Cabdi Xalane
2.. Nuuradiin Adam Diiriye
3.Cabdiwali Cilmi Goonjeex
Madaxweynaha DFS ayaa la filayaa in saddexdaan masuul mid ka mid ah uu u magacaabo xilka Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya walow ay dhici karto in uu jiraan shaqsiyaad kale oo loo magacaabi karo xilkan.
Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku aadi doono dalka Kenya waxaan uu uga soo qab geli doonaa xuska 50 guuradii ka so wareegtayu markii Kenya ay qaateen xoriyada.
A/cawaale
Halgan.net