Madaxweynaha DFS oo ka hadlay Takhaatiir lagu dilay duleedka Muqdisho

December 18, 2013 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada lahaa ee loo geystey takhaatiirtii Siiriyaanka iyo kuwii Soomaalida ahaaba, oo maanta lagu dilay agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkan mid lagu doonayo in sumcada, karaamada iyo sharafka Soomaaliyeed wax loogu dhimo, isla markaana lagu tuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin. Dowladda waxaa ka go’an in la sii wado nidaamka dowladnimada, kala danbeynta iyo soo celinta sumcadda, karaamada iyo sharafka ummaada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha amniga oo ku howlan baaritaanka falkan waxashnimo inay soo dedejiyaan isla markaana ay kuwii ka danbeeyey falka dilka takhaatiirta in sharciga la horkeeno.
Falkan ayaa maanta si arxan la’aan ah loogu dilay takhaatiir oo 3 ka mid ah u dhasheen dalka Siiriya iyo Soomaali isagu jirta oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Siirya uga tacsiyeeyey geerida 3da takhaatiir ee Siiriyaanka oo u joogay dalka inay shacabka ka saacidaan dhanka caafimaadka.

-DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online